Author: Banaadir24

Dowladda Imaaraadka Carabta (ayaa la sheegay inay diidday qorshe xabbad-joojin ah oo lala galo Iran, iyadoo sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay ku biirto weerar dhulka ah oo ka dhan ah Tehran. Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabtu ku adkeystay in marka hore la burburiyo dhammaan shabakadaha halista ah ee Iran ka hor inta aan wax heshiis ah la gaarin. Safiirka Imaaraadka Carabta ee Maraykanka, Yousef Al Otaiba, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu qayb ka noqon doono dadaallada lagu doonayo in dib loogu furo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz kaas oo lafdhabar u ah sahayda shidaalka caalamka. Arrintan…

Read More

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo isku dayay inay weerar ku soo qaadaan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Intii uu socday hawlgalkan, waxaa la dilay in ka badan 40 dhagarqabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, halka tiro kalena lagu dhaawacay. Deegaanka Mubaarak ayaa ka mid ah deegaannada istiraatiijiga ah ee bishii barakaysneed ee Ramadaan laga xoreeyay argagixisada, waxaana hadda ka socda dib-u-dhis iyo furista waddooyinka muhiimka ah ee ay argagixisadu horay u xireen. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS waxay sii wadi doonaan hawlgallada joogtada ah ee…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed. Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, iyadoo isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintaan muddadii ay u soo shaqeeyeen Qaranka, wuxuuna oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan. xil kaqaadista uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyay labada wasiiru dowle ayaa…

Read More

Warbixinno caafimaad ayaa sheegaya in ilmo yar oo Falastiini ah lagu soo celiyay qoyskiisa kadib markii uu 10 saacadood u xirnaa ciidamada Israa’iil ee Marinka Gaza, iyadoo jirkiisa laga arkay calaamado u eg gubasho sigaar lagu dhajiyay bowdyihiisa. Ilmaha oo lagu magacaabo Jawad Abu Nassar, kana yar laba sano jir (21 bilood), ayaa la qabtay isaga iyo aabihii Osama Abu Nassar, oo 25 jir ah, 19-kii Maarso, xilli ay ku sugnaayeen bartamaha Gaza. Qoyska ayaa sheegay in Osama uu wiilkiisa u kaxeeyay bannaanka qiyaastii 10-kii subaxnimo si uu ugu soo iibsado macmacaan, iyagoo isu diyaarinayay maalinta ciidda Muslimiinta ee Ciidul-Fidriga.…

Read More

Taliyaha ciidamada milatariga Uganda Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in dalkiisa Uganda uu si toos ah uga qeyb geli doono dagaalka ka socda Iran haddii ay timaado xaalad khatar ku ah Israel. Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Hadallada ku saabsan burburinta ama jabinta Israel waxay si toos ah noogu qasbi doonaan inaan dagaalka galno, anagoo garab taagan Israel.” Xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Israel ayaa muddo dheer soo jiray, gaar ahaan tan iyo dhacdadii caanka ahayd ee Entebbe rescue 1976, taas oo ay ciidamada Israel ku badbaadiyeen dad lagu haystay garoonka diyaaradaha Uganda ee Entebbe. Howlgalkaas waxaa…

Read More

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xarigga loo geystay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, isagoo uga digay madaxda sare ee dalka tallaabadaasi. Fahad Yaasiin ayaa si toos ah ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya in aysan bilaabin dhaqan cusub oo siyaasadeed oo ah in masuul xilka laga qaado loogu beddelo xabsi. Wuxuu sheegay in arrintani ay tahay mid aan hore uga dhicin nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya tan iyo markii la aas-aasay Jamhuuriyadda 3-aad. Qoraalkiisa ayuu ku tilmaamay in furitaanka “albaabkan” uu keeni karo…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xabsi guri galisay Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Taliye Shub. Taliyaha oo isla maanta ay Dowladdu ku sameysay xil kaqaadis ayaa gurigiisa la dul dhigay Ciidamo waxana loo sheegay inuusan ka bixi karin gurigiisa. Tallaabada ay dowladda federaalka xabsi guriga ku galisay Taliyaha ayaa timid kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan in Taliyaha uu safar kaga baaxo magaalada Muqdisho kuna gaaro magaalada Baydhabo sida ay horey u sameeyeen wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo kasoo horjeeda nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo wareedyo ku dhow Madaxweynaha ayaa…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo booliis ah la duldhigay guriga uu magaalada Muqdisho ka deganyahay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Taliye Shub). Sarakiil ka tirsan laamaha Ammaanka ayaa Banaadir24 Online, u xaqiijiyay arrintaan iyadoo sidoo kale Taliyaha maanta xilka laga qaaday lagala wareegay ciidamadii ilaalada u ahaa oo ka tirsanaa kuwa Asluubta Soomaaliyeed. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor sooo horeysay oo maanta kuwa dhaqaaqday in xilka laga qaaday Taliye, oo aad ugu dhow madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed CabdiCasiis Laftagareen oo xiisad siiyasadeed oo xoogan ay kala dhexeyso…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyada oo la bogaadiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Shirka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradda Difaaca looga dhageystay guulaha laga gaaray howlgalka Beder ee bishii Ramadaan, kaas oo lagu xoreeyey deegaannada Mubaakar iyo Daaru-sallaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadu waxay sii wadi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo qarkood u saaran yihiin in ay xoreeyaan degmooyin waaweyn oo…

Read More