Koonfur Galbeed oo Qarka u Saaran Dagaal: Dowladda Federaalka oo Isku Dayaysa Inay Joojiso Doorashada

Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in dagaal uu ka qarxo saacadaha afar iyo labaatanka saac ilaa 48 saac ee soo socda, gaar ahaan waddooyinka u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay, ama Daynuunaay iyo Buurhakaba.
Iska hor imaadkan la filayo ayaa la sheegay inuu dhex mari karo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo xiisadda ay si weyn u sii kordhayso.
Ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto sidii ay u joojin lahayd doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo maalinta Axadda.
Si kastaba ha ahaatee, haddii dowladda federaalka ay ku guuldareysato inay gacanta ku dhigto xaaladda ka hor waqtigaas, wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u badan yahay inuu ku guuleysto loollanka siyaasadeed ee socda.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay gobolka ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo kala shaki siyaasadeed, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo in xaaladdu isu beddesho dagaal furan.
Dowaldda federaalka ayaa ciidamo ku daabuleyaay deegaanada Koonfur Galbeed si ay uga hortagto doorashooyinka la filayo in maamulka Koonfur Galbeed uu halkaasi ku qabto.









