Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Iyadoo Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Iran, taasoo dhalisay jawaab celin xooggan oo ka timid Tehran oo ku wajahan dalalka deriska ah ee martigeliya saldhigyada militari ee Mareykanka, falanqeeye amni oo Iranian ah ayaa ka digay suurtagalnimada tallaabooyin militari oo cusub. Falanqeeyaha amniga qaranka ee Iran, Morteza Simiari, ayaa Arbacadii sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ka fiirsaneyso qabsashada xeebaha dalalka Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta. Hadalkan ayaa yimid xilli dalalka Carabta ee Khaliijka ay u gudbiyeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay cabashooyin ku saabsan weerarro ay sheegeen inay halis weyn ku…
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo si weyn loogu yaqaanay “Taliye Shub.” War rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada, inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya xil ka qaadistiisa. Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa loo arkayay inuu si dhow ula shaqeynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, taasoo ka dhigeysa tallaabadan mid saameyn ku yeelan karta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Wararka laga helayo dadka deegaanka iyo kuwa safarreeyda ah ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ay sameynayaan dagaalyahannada Al-Shabaab laga dareemayo waddada isku xirta Buurhakaba iyo Daynuunay, taasoo ah marinka keliya ee gala magaalada Baydhabo. Dadka ka ambabaxay magaalada Baydhabo galinkii dambe ee maalintii shalay kuna sii jeeday Buurhakaba ayaa arkay koror muuqda oo ku yimid joogitaanka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee halkaas iyagoona soo sheegaya in Al-Shabaab ay halkaasi geysay dagaalmayaal tiro badan oo qaarkood watay mootooyin. Dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halkaasi kawadaan ayaa cabsi xoogan ku abuuray dadka deegaanka. Ilaa iyo hadda lama oga in dhaqdhaqaaqa kordhay ee…
Khubaro la hadlay Machadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Maraykanka uu ku guuldareystay inuu si buuxda u helo awoodda hawada ee Iran, taas oo ay sabab u tahay maalgelin la’aan ku saabsan ka hortagga khataraha ka yimaada meelaha hoose ee hawada, kuwaas oo Iran si wax ku ool ah u adeegsato. Kelly Grieco, oo ah cilmi-baare sare kana tirsan barnaamijka “Reimagining US Grand Strategy” ee xarunta Stimson Center, ayaa hadalkan ka sheegtay kulan online ah oo la qabtay Talaadadii. Waxay tilmaantay in Maraykanka iyo Israa’iil ay si wanaagsan uga shaqeynayaan meelaha sare ee hawada, halkaas oo ay la tacaalayaan nidaamyada…
A government minister has delivered a sharp rebuke of former President Mohamed Abdullahi Farmaajo, casting doubt on his prospects of returning to power as political tensions continue to mount ahead of future elections. Abdiqadir Mohamed Nur, Somalia’s Minister of Ports and Marine Transport, said that parliamentary support allegedly mobilized for Farmaajo from the Southwest State would not be enough to secure his return to the presidency. He described such ambitions as unrealistic and unlikely to materialize. “Farmaajo, even with the MPs reportedly secured for you from Southwest, you will not become president again, God willing,” the minister said in a…
Hadal adag oo ka dhan ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka soo yeeray mid ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kaas oo si kulul uga hadlay rajada uu Farmaajo ka qabo inuu mar kale xilka qabto. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xildhibaano uu madaxeyne Laftagareen uga soo qoro Farmaajo deegaanada Koonfur Galbeed aysan u suuragelin doonin inuu dib ugu soo laabto madaxtinimada dalka, isaga oo xusay in arrintaas ay tahay mid aan dhici Doonin. “Farmaajoow Duqaas Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon meysid idanka Ilaahey,…
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in lagu arkay meydka qof si xun loo dilay. Meydka qofka dilay oo ahaa wiil dhallinyaro ah ayaa waxa lagu arkay xaafadda Tiida ee degmada Dayniile, waxana dadka deegaanka ay noo sheegeen in jirkiisa uu sidoo kale ka muuqdo jirdil xoogan oo loo maleynayo in loo geystay kahor inta aanan la dilin. Dilka ayaa loo adeegsaday Baangad ama Tooreey waxana marxuumka tunkiisa ama qoorta ku yaala dhaawac aad u weyn oo u muuqda in Baangad ama midi lagu gowracay sida ka muuqata muuqaal gaar ah oo Banaadir24 Online, ay lawadaageen dad goobta…
Midow ayaa war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda Federaalka Soonaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda sii xumaanaysa ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac xooggan oo ku aaddan is-mariwaaga siyaasadeed ee ka jira halkaas. War kooban oo ay soo saartay wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu adkeeyay in waqtigan xaadirka ah ay lama huraan tahay in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo dhex mara dhinacyada isku haya arrimaha taagan. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa…
Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay raadinayso waddo lagu dejiyo xiisadda dagaalka ka dhanka ah Iran, iyadoo la xiriiraysa Mareykanka iyo Tehran si loo bilaabo wadahadallo horseedi kara heshiis suurtagal ah, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Middle East Eye. Maalintii Axadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sameeyay wicitaanno taxane ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Iran, Masar iyo dalal Yurub ah, si looga hadlo tallaabooyin lagu soo afjarayo colaadda, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Isla maalintaas, Fidan ayaa sidoo kale la hadlay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka, kuwaas oo…
Muuqaallo iyo sawirro ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya dad Iiraaniyiin ah oo ku dhejinaya istiikarro uu ku sawiran yahay Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, gantaallo la sheegay in markii dambe loo adeegsaday weerarro ka dhan ah Israa’iil. Falkan ayaa u muuqda mid ay Iiraaniyiintu ku muujinayaan mahadcelin ay u hayaan Sánchez, kaas oo si adag u cambaareeyay dagaalka socda ee u dhexeeya Iiraan iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil. Dagaalkan ayaa billowday 28-kii Febraayo, kaddib weerarro wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Mid ka mid ah istiikarada lagu arkay gantaallada ayaa xambaarsanaa farriin oranaysa: “Dagaalkani ma…