Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Wararka laga helayo degmada Awdiinle iyo deegaanka Ceeldoon ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan inay isku abaabulayaan islamarkaana ay saldhigyo u noqdeen ciidamada taabacsan madaxweynihii sida awoodda ah xilka looga tuuray ee Cabdicasiis Laftagareen. Ciidamadan oo ah boqolaal askari oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa halkaasi ka sameystay saldhigyo waxayna dadka deegaanku sheegayaan inay halkaasi ku qoranayaan maleeshiyaad tiro badan oo kusoo biiraya. Dhaqdhaaqyada ciidan ee ciidamada taageersan Laftagareen ay kawadaan Awdiinle ayaa waxaa durba ka war helay dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee kusugan magaalada Baydhabo ay u sheegeen Banaadir24 Online,…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka maleeshiyaadka, kuwaas oo ku kala yaallay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan ayaa sidoo kale lagu dilay Injineero iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda. Howlgalka koowaad, oo maanta ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu beegsaday xarumo qarsoodi ah oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada iyo dayactirka hubka. Howlgalkan ayaa lagu burburiyay qalabkii farsamada, keydkii ku jiray xarumahaasi iyo labo gaari oo ay u diyaarinayeen…
Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Siyaasiga rug cadaaga ah ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu doonayo inuu dhiig badan u daadiyo doorashadiisa ah qof iyo codka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook kusoo bandhigay 9 tallabo oo halis ah oo uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga. Madaxweyne Xasan wuxuu isu diyaariyey inuu dhiig badan u daadiyo doorashadiisii “qof iyo qoriga ahayd”. Waxaana ku dhiirrigelinaya aragtida uu ka qabo inuu isagu yahay dawladda, sharciguna yahay rabitaankiisa, dooqiisuna yahay waxa dalka lagu maamulayo. 1.…
Awdiinle, oo 30 km galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo, ayaa waxaa si buuxda ugu sugan ciidamada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhammaan saraakiishii amniga ee taabacsan madaxweynihii loo awood sheegtay ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Magaalada Awdiinle ayaa waxay ku taallaa waddada weyn ee xiriirisa magaalada Baydhabo iyo demada Luuq ee gobolka Gedo. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo hadda ku sugan Awdiinle, oo sidoo kale ah magaalada uu ku dhashay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sheegay in dagaalku uu noqon doono mid muddo dheer socon doona. “Dagaalkan waa mid dheer,” ayuu yiri sarkaalkan,…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay sare u qaaddo howlaha qodista shidaalka iyo gaaska badda inta lagu jiro bisha Abriil, iyadoo qorshaha shidaal qodista ah laga bilaabayo xeebaha Soomaaliya. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadolu, markabka Çağrı Bey oo ka mid ah laba markab oo sanadkan lassoo kordhiyay ayaa la filaya inuu dhammaadka bisha April shidaal qodis ka bilaabo ceelka Curad-1 ee ku yaalla xeebaha Soomaaliya. Howlgalkan Soomaaliya ayaa waxaa horey u shaaciyay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, xilli markabka Çağrı Bey uu ka ambabaxayay dekedda Taşucu 15-kii Febraayo. Wasiirku wuxuu xusay in markabku uu…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa joogitaankeeda milatari ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo shalay ay garoonka diyaaradaha Guriceel gaareen ilaa 120 askari oo ay la socdeen hub iyo agab ciidan. Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaan ciidamo kale oo dowladdu ay qorsheyneyso maalmaha soo socda inay halkaas geyso. Warar hoos oo Banaadir24 Online, ka helay ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamadan cusub ay qeyb ka yihiin qorshe ay dowladda dhexe ku kordhineyso saameynteeda amni ee deegaannada Galmudug, xilli ay jiraan dhaq dhaqaaqyo milatari oo isa soo taraya. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu…
Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee degmada Buurhakabo, oo ka tirsan gobolka Bay, sida ay xaqiijiyeen ilo amni. Weerarka ayaa dhacay xilli uu garoonka ku sugnaa helicopter ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka yimid magaalada Muqdisho isla markaana ku guda jiray soo degitaan. Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in diyaaraddaasi ay si nabad ah uga badbaaday weerarka, inkastoo madaafiicdu ku dhaceen gudaha iyo hareeraha garoonka. Garoonka Buurhakabo ayaa la sheegay inuu saldhig u yahay ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalada amni ee ka socda gobolka, taasoo ka dhigeysa goob istaraatiiji ah oo…
Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dawladda FS ayaa maanta maamul cusub u magacowday degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Laga bilaabo maanta waxay wasaaraddu u magacaawday guddoomiyaha degmada Diinsoor Maxamed Nuur Shigshigoow halka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda loo magacaabay Maxamed Aadan ibraahim.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, oo ka hadlay duulaanka ciidamada dowladda ay ku yihiin magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay maanta magaalada kula wareegi doonaan si nabad ah. Wasiir Jaamac ayaa usoo jeediyay Laftagareen eedeeymo kala duwan oo ay kamid tahay tacadiyo uu sheegay inuu geystay magaalada Baydhabo iyo deegaanada Koonfur Galbeed. Waxa uu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay Laftagareen iskaga saaraan si nabad ah iyadoo dhiig daadan haddii taas lawaayana ay si awood ah iskaga saaraan. Wasiirka ayaa sidoo kale dhallinyarada uu Madaxweyne Laftagareen doonayo inuu dagaal galiyo ugu baaqay inaan laga…
Faadumo Cabdiqani Yuusuf, Xoghayaha Guddiga, ayaa wajahaysa dhaleeceyn xooggan kadib markii ay si cad u taageertay dib-u-doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Taageeradan ayaa timid xilli ay muran weyn ka taagan tahay hannaanka doorashada, kaas oo ay si cad u diidday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadalka Faadumo ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira dhexdhexaadnimada hay’adda ay ka tirsan tahay. Khabiirro dhanka sharciga ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku dooday in mowqifka noocaas ah uu ka hor imanayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa qaran ee hagaya hay’adaha xuquuqda aadanaha. Mabaadi’da Paris (Paris Principles), oo ah hagaha caalamiga…