LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Buurhakabo

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee degmada Buurhakabo, oo ka tirsan gobolka Bay, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu garoonka ku sugnaa helicopter ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka yimid magaalada Muqdisho isla markaana ku guda jiray soo degitaan. Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in diyaaraddaasi ay si nabad ah uga badbaaday weerarka, inkastoo madaafiicdu ku dhaceen gudaha iyo hareeraha garoonka.

Garoonka Buurhakabo ayaa la sheegay inuu saldhig u yahay ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalada amni ee ka socda gobolka, taasoo ka dhigeysa goob istaraatiiji ah oo marar badan la beegsado.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoo aan la ogeyn tirada dhimashada ama dhaawaca, haddii ay jiraan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan weerarada Al-Shabaab ay ka fulinayaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, taasoo muujinaysa weli halista amni ee ka jirta gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *