Fadeexad Qaran: Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo Garab Taagtay Laftagareen

Faadumo Cabdiqani Yuusuf, Xoghayaha Guddiga, ayaa wajahaysa dhaleeceyn xooggan kadib markii ay si cad u taageertay dib-u-doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Taageeradan ayaa timid xilli ay muran weyn ka taagan tahay hannaanka doorashada, kaas oo ay si cad u diidday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadalka Faadumo ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira dhexdhexaadnimada hay’adda ay ka tirsan tahay.
Khabiirro dhanka sharciga ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku dooday in mowqifka noocaas ah uu ka hor imanayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa qaran ee hagaya hay’adaha xuquuqda aadanaha. Mabaadi’da Paris (Paris Principles), oo ah hagaha caalamiga ah ee hay’adaha xuquuqda aadanaha, ayaa si cad u adkaynaya madax-bannaanida buuxda ee hay’adahaasi ka madaxbannaan yihiin saameyn siyaasadeed.
Sidoo kale, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Xeer Lr. 16 ee 2026, ayaa faraya xubnaha guddiga inay ahaadaan kuwo dhexdhexaad ah isla markaana ku shaqeeya waajibaadkooda sharciyeed oo keliya.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo horey muran uga dhashay hadallo ay jeedisay guddoomiyaha guddiga, Maryam Qaasim, kuwaas oo loo arkay inay ka hor imaanayaan heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. Hadalladeeda ayaa markaas kiciyay walaac ku saabsan sida ay hay’addu ugu hoggaansan tahay mabaadi’da caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.









