Author: Banaadir24

Ciidamada howlgalka badda ee ATALANTA ayaa ku guuleystay inay xoreeyaan doonta kalluumeysi ee lagu magacaabo ALWASEEMI, oo ay horay u afduubteen koox burcad-badeed ah, sida lagu sheegay war rasmi ah. Doontan oo sida ray calanka dalka Iiraan ayaa ugu dambeyn ay ka tageen burcad-badeedda, kaddib markii cadaadis xooggan uu kaga yimid ciidamada ATALANTA, gaar ahaan dhanka waqooyi-galbeed ee xeebaha Soomaaliya. Howlgalkan ayaa mudnaanta koowaad siinayay badbaadada shaqaalaha doonta iyadoo la adeegsaday xeelad isku dhafan taasoo ka koobnayd dhaq-dhaqaaqyo ay sameeyeen maraakiibta iyo diyaaradaha howlgalka ATALANTA. Sidoo kale, iskaashi dhow oo joogto ah oo lala yeeshay ciidamada booliska badda Soomaaliya ee…

Read More

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tiro ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqsiyaad si dhow ula xiriira Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, laga laalay fiisooyinkii ay u haysteen dalka Mareykanka. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in dadka ay arrintan saameysay ay ka mid yihiin: Adan Mohamed Nur Madobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Yusuf Hassan Isak, mas’uul sare oo soo noqday Agaasime Guud ee Wasaarado kala duwan, haatanna ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleiman S. Umar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Wiilka Madaxweynaha Gabadha Madaxweynaha Wasiiro iyo wasiir ku-xigeenno…

Read More

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay in ololaha ugu horreeya ee qodista shidaalka badda Soomaaliya uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamiga ah. Qoraal uu soo saaray Axaddii, ayuu ku sheegay in haddii howlgalkaan uu guuleysto, ay si weyn u xoojin karto rajada Soomaaliya ee kobac dhaqaale oo ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah, isla markaana ay adkeyn karto doorka Turkiga ee ah saaxiib istiraatiiji ah oo muddo dheer la shaqeeya Soomaaliya. “Waa fursad beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale saameynta uu ku leeyahay nidaamka tamarta ee gobolka,” ayuu yiri wasiirku. Hadalkaan…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa muujinaya caro sii kordheysa oo ka dhex jirta shacabka, taas oo ku wajahan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay go’aamo la sheegay inay sababeen rabshado ku saleysan qabaa’il oo qaarkood sababay dhimasho, dhaawac iyo takoor. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, laba askari ayaa la dilay shalay, waxaana la sheegay in meydadkooda si aad ah loogu xad gudbay lana jarjaray , arrintaas oo dhalisay caro iyo falcelin xooggan oo ka dhex dhalatay bulshada ku nool magaalada Baydhabo…

Read More

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa. Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar…

Read More

Duullaankii ay Dowladda Federaalka ku soo qaadday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo adeegsanaysa awood ciidan iyo amarro ka baxsan habraacyada dastuuriga ah, wuxuu si toos ah u sababay burburinta maamulkii sharciyadda ku dhisnaa ee dowlad-goboleedkaas, isla markaana wuxuu abuuray xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni. Tallaabadan ma aha oo kaliya mid ka hor imaanaysa sharciga, balse waa mid si weyn u dhaawacaysa jiritaanka nidaamka federaalka iyo dowladnimada dalka. Koonfur Galbeed waa dowlad-goboleed si sharci ah u dhisan, kuna saleysan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, leh hay’ado fulineed iyo sharci-dejin oo si nidaamsan u shaqeynayay. Hase yeeshee, waxaa…

Read More

Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu ku lug leeyahay falal rabshado ah oo ka dhan ah shacabka ku nool deegaannada maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaannadda oo la hadashay warbaahinta Maxalliga ah ayaa sheegtay in si gaar ah loo beegsanayo shacabka rayidka ah ee ku sugan gobolka, iyadoo sidoo kale ay ku eedeysay dowladda inay adeegsato maleeshiyaad hubeysan oo Shabaab ah oo ku labisan dareeska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xildhibaannada ayaa sheegtay in kooxo hubeysan oo ay ku tilmaantay maleeshiyaad ay ku howlgalayaan magaca ciidanka qaranka, taasoo…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Salaad Macalin Cusmaan Cabdiyow, loona yaqaan (Salaad Dheere). Howlgalkan qorsheysan oo uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenka Ururka, Laba Xidigle Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare), ayaa ka dhacay tuulada Soo-Maray oo qiyaastii 5KM dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Taliye Xasan Yare ayaa xaqiijiyay in horjoogahan uu ku howlanaa maleegida falal amni darro ah oo uu la damacsanaa shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu Khawaarijta u qaabilsanaa tuulooyinka kala ah Buula Cabdulle, Mudulow, Buula-doonka Ugunji Busley…

Read More

Warar isa soo taraya oo ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shan askari la toogtay kaddib markii lagu amray inay dhigaan hubkooda, iyadoo falkaan naxdinta leh uu dhacay 30-kii bishii dhammaatay ee Maarso sida ay ogaatay Banaadir24 Online. Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in askartan lagu qasbay inay hubka dhigaan, iyagoo u hoggaansamay amarkaasi. Kadibna, waxaa la sheegay in saf la galiyay oo indhaha laga xiray kahor inta aan si toos ah loo toogan. Faahfaahinno dheeraad ah oo aad u naxdin leh ayaa sheegaya in biyo karkaraya lagu shubay meydadka askarta markii la toogtay kadib, fal ay dad badan…

Read More