LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo hanjabaad culus soo saaray

Awdiinle, oo 30 km galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo, ayaa waxaa si buuxda ugu sugan ciidamada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhammaan saraakiishii amniga ee taabacsan madaxweynihii loo awood sheegtay ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Magaalada Awdiinle ayaa waxay ku taallaa waddada weyn ee xiriirisa magaalada Baydhabo iyo demada Luuq ee gobolka Gedo.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo hadda ku sugan Awdiinle, oo sidoo kale ah magaalada uu ku dhashay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sheegay in dagaalku uu noqon doono mid muddo dheer socon doona.

“Dagaalkan waa mid dheer,” ayuu yiri sarkaalkan, isagoo ka digaya Xaalada adag inta uu dagaalku socdo.

Ciidamada halkaas ku sugan ayaa waxay sheegeen in Cabdicasiis Laftagareen uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed islamarkaana ay weerar sharci darro ah kusoo qaaday dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuuliyiinta Awdiinle ku sugan ayaa waxaa kamida xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa la filayaa inay joogitaankooda Awdiinle ku xoojiyaan amniga guud ee magaalada iyo hareeraheeda, iyaga oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu sugayo xasiloonida gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *