LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo ku dhawaaqday in maanta lala wareegayo Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, oo ka hadlay duulaanka ciidamada dowladda ay ku yihiin magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay maanta magaalada kula wareegi doonaan si nabad ah.

Wasiir Jaamac ayaa usoo jeediyay Laftagareen eedeeymo kala duwan oo ay kamid tahay tacadiyo uu sheegay inuu geystay magaalada Baydhabo iyo deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay Laftagareen iskaga saaraan si nabad ah iyadoo dhiig daadan haddii taas lawaayana ay si awood ah iskaga saaraan.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhallinyarada uu Madaxweyne Laftagareen doonayo inuu dagaal galiyo ugu baaqay inaan laga horkeenin dowladdooda islamarkaana ay heystaan fursad ay ku diidaan dagaalka.

“Dhallinyaradeena waxaan leenahay gaar ahaan dhallinyarada ciidamada ah ee uu Cabdicasiis rabo inuu adeegsdo meesha isaga baxa haku dagaalamina dadka deegaanka u yimid ee maanta Daynuunaay soo dhaafay waa qarankiina waa dadkiina waa masuuliyiintiina xabad inaad kala hor imaataan daw idiinma ahan, halaga leexdo Cabdicasiis iyo gurigiisa in la difaaco meeshaas dowladi kama jirto maamul maamul kama jiro waa nin go’aansaday inuu qarankiisa kahor yimaado shacabsiina kahor yimaado ,”. Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *