Author: Banaadir24

Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, oo lagu magacaabo Salaad Cusmaan Macalin oo loo yaqaan “Sahm”, kaddib hawlgal ka dhacay deegaanka Mubaraka. Ninkan oo 40 jir ah, isla markaana ahaa taliyaha guuto ka tirsan Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009, ayaa lagu soo qabtay isagoo sahaminayay difaacyada ciidamada dowladda ka hor weerar la qorsheeyay. Howlgalka lagu qabtay waxaa si gaar ah uga qeyb qaatay cutubka Gorgor ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 203. Wararka ayaa sheegaya in Sahm uu la socday dagaalyahanno…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi dhacay dagaal. Dagaalka oo u dhexeeyay saddex ciidan oo kamid ah ciidankii mucaaradka Koonfur Galbeed ee Buurhakaba kasoo dhaqaaqay ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay isku qabsadeen maamulka xarunta degmada oo uu dhinac kasta sheegtay inay iyaga masuuliyadda leeyihiin. Nin la sheegay inuu hogaaminaya mid kamid ah maleeshiyaadka ka yimid Buurhakaba ayaa la sheegay inuu sheegtay in isagu yahay guddoomiyaha degmada balse maleeshiyaad kale ay kasoo horjeesteen sidaana uu dagaalku ku bilaawday. Ciidamada booliiska oo kusoo baxay dagaalka labada…

Read More

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wafdiga uu hoggaaminaayo hoggaamiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiinta deegaanka, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada. Socdaalka hoggaamiyaha KMG ah ayaa la xiriira dhammeystirka qorshaha dhisidda nidaam maamul oo ku yimaada rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ay ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed ee ka caawiyay ciidamada dowladda inay qabsadaan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in halgankii ay wadeen ka dib markii ay qabsadeen magaalada Baydhabo la afduubay, isagoo ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Xasan Eelaay inay kala qeybinayaan beelaha deegaanada Koonfur Galbeed iyo inay takoor ka bilaabeen goobaha shaqada. Sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa ka digay in haddii cabashooyinkooda la iska indho tiro, ay suuragal tahay in ciidamadu qaadaan tallaabo hubeysan. “Haddii aan nala dhageysan, dhawaaqa rasaasteena ayaa cashar u noqon doona ,” ayuu yiri. Sarkaalku wuxuu carrabka ku…

Read More

Xog hoose oo Banaadir24 ay ka heshay ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay bilaawday arrin ay aad ula yaabeen saraakiisha iyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Xogta ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay saraakiisha iyo ciidamada gaar ahaan kuwa ku sugan xerada Gen Gordon, Kulliyada Jaalle Siyaad, wasaaradda Gaashaandhigga  iyo xerada Villa Baydbabo ay ku bilaawday tiro koob lagu weydiinayo dhammaan askarta iyo saraakiisha qabiiladooda iyo jifo hoosaadkooda. Arrintaan oo ay si weyn ula yaabanyihiin saraakiisha ciidamada ayaa waxaa sarkaal ka tirsan ciidamada oo qeyb ka ahaa tira koobkan oo socday saddexdii maalin ee lasoo dhaafay uu inoo sheegay…

Read More

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markabka “Guney”, kaas oo qaadanaya calanka Soomaaliya, isla markaana leh summadda caalamiga ah ee IMO No. 8230417. Tallaabadan ayaa muujinaysa horumar muhiim ah oo laga gaaray dib u soo nooleynta diiwaangelinta maraakiibta dalka, iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa kalsoonida ganacsiga badda iyo maalgashiga. Wasaaradda ayaa xustay in diiwaangelintan ay fursad u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan adeegyada diiwaangelinta ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, tallaabadan waxay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee horumarinta iyo casriyeynta…

Read More

Faraj oo 42 jir ahaa ayaa sanadkii 2022 lagu xukumay dambiyo ay ka mid yihiin ka qeybgalka mudaharaadyo ka dhacay gobolka Qatif, oo ah deegaan ay u badan yihiin dadka Shiicada ee bariga dalka Sacuudiga, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay unug argagixiso isla markaana uu dilay askar boolis ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday dilkiisa, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay timid kadib amar boqortooyo oo ansixiyay fulinta xukunka. Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay ilaalinta amniga, xaqiijinta caddaaladda, iyo fulinta xeerarka shareecada Islaamka ee ka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray digreeto uu ku magacaabay hoggaamiye kumeelgaar ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi kaas oo noqonaya hogaamiyaha kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Read More

Warar isa soo taraya ayaa ka soo baxaya magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegaya in falal bililiqo iyo dhibaatooyin amni ay ka dhasheen isbeddelladii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay maamulkaasi iyo ciidamada galay gudaha magaalada. Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in si baahsan loo beegsaday hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay, iyadoo dhacdooyin la xiriira boob iyo burbur hantiyeed laga diiwaangeliyay meelo kala duwan oo magaalada ah. Arrintan ayaa walaac xooggan ku abuurtay shacabka, kuwaas oo ka cabsi qaba xaalad amni darro iyo fowdo sii fida oo faraha kabaxda. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in habeenno…

Read More

Siyaasiga Mucaaradka Itoobiya Jawar Maxamed ayaa ka hadlay isbedelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo. Jawar Maxamed ayaa sheegay in isbedel uu ku yimid sameyntii Itoobiya ay ku leheed Soomaaliya isagoo tilmaamay in Cabdicasiis Laftagareen oo heystay taageerada Itoobiya xilkii laga tuuray kadib markii ay dowladda Soomaaliya qaaday tallaabooyin ay ku taageerayaan dowladaha Masar iyo Turkey isagoo xusay in taageeradii Itoobiya ee Koonfur Galbeed ay daciiftay. Waxa uu sidoo kale sheegay in sameyntii ay Itoobiya ku lahayd Puntland ay si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhacayso. Sida uu sheegay, hoos u dhaca saameynta Itoobiya ee…

Read More