Ciidamo Taageersan Laftagareen oo Ku Qulqulaya Awdiinle & Dowladda oo Ka War Heshay

Wararka laga helayo degmada Awdiinle iyo deegaanka Ceeldoon ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan inay isku abaabulayaan islamarkaana ay saldhigyo u noqdeen ciidamada taabacsan madaxweynihii sida awoodda ah xilka looga tuuray ee Cabdicasiis Laftagareen.
Ciidamadan oo ah boqolaal askari oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa halkaasi ka sameystay saldhigyo waxayna dadka deegaanku sheegayaan inay halkaasi ku qoranayaan maleeshiyaad tiro badan oo kusoo biiraya.
Dhaqdhaaqyada ciidan ee ciidamada taageersan Laftagareen ay kawadaan Awdiinle ayaa waxaa durba ka war helay dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee kusugan magaalada Baydhabo ay u sheegeen Banaadir24 Online, inay kawar hayaan dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka ay maleeshiyaadkaas kawadaan Awdiinle iyo Ceeldoon ismarkaana ay tallaabo ka qaadayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Sarkaal diiday inaan magiciisa shaacino ayaa inoo xaqiijiyay in qabsashada degmada Awdiinle oo qiyaastii 30 kiilo mitir dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ay aad muhiim ugu tahay ciidamada dowladda maadaama uu sheegay in degmadaas ay tahay mid istaraatiiji ah oo isku xirto Baydhabo iyo gobolka Gedo.
Dhanka kale sarakiisha hogaamineysa ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ee isku urursanaya Awdiinle ayaa wali ku hanjabaya in dagaalka wali uusan dhammaan.









