LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Turkiga oo ku dhawaaqay war farxad leh & Shidaal qodista Soomaaliya oo billaabaneysa

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay sare u qaaddo howlaha qodista shidaalka iyo gaaska badda inta lagu jiro bisha Abriil, iyadoo qorshaha shidaal qodista ah laga bilaabayo xeebaha Soomaaliya.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadolu, markabka Çağrı Bey oo ka mid ah laba markab oo sanadkan lassoo kordhiyay ayaa la filaya inuu dhammaadka bisha April shidaal qodis ka bilaabo ceelka Curad-1 ee ku yaalla xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkan Soomaaliya ayaa waxaa horey u shaaciyay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, xilli markabka Çağrı Bey uu ka ambabaxayay dekedda Taşucu 15-kii Febraayo. Wasiirku wuxuu xusay in markabku uu gaari doono Soomaaliya muddo ku dhow 45 maalmood, islamarkaana uu bilaabi doono qodista bisha Abriil, taasoo ka dhigeysa howlgalkaasi kii ugu horreeyay ee Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan biyihiisa.

Markabka Çağrı Bey waxaa galbinaya saddex markab oo ka tirsan ciidamada badda Turkiga, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee howlgalka.

Qodista laga fulinayo Soomaaliya ayaa daba socota sahanno dhulka hoostiisa ah (seismic surveys) oo ay horay u sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis, kuwaas oo qeyb ka ahaa heshiis iskaashi tamareed oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga sanadkii 2024.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa bishii Febraayo ku tilmaamay mashruucan “tallaabo taariikhi ah” oo xoojinaysa iskaashiga tamareed ee labada dal.

Howlgalkan cusub ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo kheyraadkeeda dabiiciga ah, iyo sidoo kale qorshaha Turkiga ee ballaarinta saameyntiisa tamareed ee caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *