Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo bandhigay qorshe halis ah oo Xasan Sheekh damacsanyahay

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiga rug cadaaga ah ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu doonayo inuu dhiig badan u daadiyo doorashadiisa ah qof iyo codka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook kusoo bandhigay 9 tallabo oo halis ah oo uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga.
Madaxweyne Xasan wuxuu isu diyaariyey inuu dhiig badan u daadiyo doorashadiisii “qof iyo qoriga ahayd”. Waxaana ku dhiirrigelinaya aragtida uu ka qabo inuu isagu yahay dawladda, sharciguna yahay rabitaankiisa, dooqiisuna yahay waxa dalka lagu maamulayo.
1. Waa ninka jebiyey dastuurkii uu isagu beddeshay, kaas oo dhigaya in xildhibaan uusan Wasiir noqon karin, haddana shalay Xildhibaan Wasiir u magacaabay.
2. Waa ninka Cabdifasiis Lafta Gareen intii uu la socday maamulkiisa sharci ka dhigay; markii uu diidayna, ciidan u diray, xilkana ka tuuray.
3. Waa ninka madaxfurasho u qabsaday taliye ciidan in uu ehel la yahay dartii Lafta Gareen; hawshii markii ay dhammaatayna, sii daayey.
4. Waa ninka Axmad Madoobe ku duulay, amar soo qabashona u jaray; markii uu wax ka tari waayeyna, Maxkamaddii ku amray inay ka laabato.
5. Waa ninka saddex bilood ka badan ay shaqo la’aan yihiin dhalinyaro uu ku soo lugooyey doorashadii goleyaasha deegaanka caasimadda, isla markaana weli ku dul haya guddoomiyayaal degmo iyo maayar aan la dooran; haddana Baydhabo ugu duulay inuu ka qabto doorasho qof iyo cod ah.
6. Waa ninka dhulkii dawladda intiisa badan xaraashay, danyartii deggenayd ka barakiciyey, lacagtiina qoyskiisa, saaxiibadiis iyo taageerayaashiisa siyaasadeed ku naaxiyey.
7. Waa ninka aan wax dan ah ka lahayn abaaraha dalka ka taagan, maciishada iyo shidaalka qaaliyoobaya, iyo muddo-xileedkiisa dhammaanaya oo keeni kara in la waayo taageeradii dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo iskaashigii milatari.
8. Waa ninka maanta u dabbaaldegaya in ciidankii Soomaaliyeed ay qabsadeen magaalo Soomaaliyeed, kana qabsadeen maamul Soomaaliyeed oo uu isagu afar sano meesha ku hayey.
9. Waa ninka leh doorasho dadban ma oggoli, balse doonaya inuu isagu magacaabo degmooyinka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Gunaanad:
Tani waa dhaqankii dumiyey dawladnimadii dhexe, waa taariikh dib isu soo celinaysa.
Waxa garan kara dadkii soo joogay, kuwii akhriyey taariikhda, ama dersay sababaha ay dawladuhu u dumaan. Iyaga ayeyna saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee ah in dalka iyo dawladnimada curdunka ah laga badbaadiyo jidkan halista ah.









