Xog: Dowaldda Federaalka oo ciidamo geysay Galmudug & Qorshe ka dhan ah Qoorqoor oo durba bilaawday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa joogitaankeeda milatari ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo shalay ay garoonka diyaaradaha Guriceel gaareen ilaa 120 askari oo ay la socdeen hub iyo agab ciidan.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaan ciidamo kale oo dowladdu ay qorsheyneyso maalmaha soo socda inay halkaas geyso.
Warar hoos oo Banaadir24 Online, ka helay ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamadan cusub ay qeyb ka yihiin qorshe ay dowladda dhexe ku kordhineyso saameynteeda amni ee deegaannada Galmudug, xilli ay jiraan dhaq dhaqaaqyo milatari oo isa soo taraya.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u muuqdo mid qaadaya tallaabooyin hal dhinac ah oo uu ku doonayo inuu ku xoojiyo awoodda dowladda dhexe, isagoo adeegsanaya awood ciidan si uu saameyn ugu yeesho dowlad goboleedyada.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka Galmudug ay u muuqato bartilmaameedka xiga ee qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana si hoose looga hadlay kahor intaan la weerarin Koonfur Galbeed.
Qorshaha lagu qabanayo Galmudug ayaa waxaa qeyb ka ah taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad iyo xubno kale oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ee uu ka dhashay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kaariye Qoor qoor.
Xubnahaan qeybta ka ah qorshaha ka dhanka ah madaxweynaha Galmudug Mudane Qoorqoor ayaa isugu jira saraakiil xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud, sida ay ogaatahay Banaadir24 Online.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sidoo kale qaba in istaraatiijiyaddan ay qeyb ka noqon karto dadaal uu madaxweynuhu ku doonayo inuu ku adkeeyo awooddiisa siyaasadeed, isaga oo isu diyaarinaya doorashooyinka soo socda.









