LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jawar Maxamed oo sheegay in saameyntii Itoobiya ee Soomaaliya ay u gacan gashay dalal kale

Siyaasiga Mucaaradka Itoobiya Jawar Maxamed ayaa ka hadlay isbedelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Jawar Maxamed ayaa sheegay in isbedel uu ku yimid sameyntii Itoobiya ay ku leheed Soomaaliya isagoo tilmaamay in Cabdicasiis Laftagareen oo heystay taageerada Itoobiya xilkii laga tuuray kadib markii ay dowladda Soomaaliya qaaday tallaabooyin ay ku taageerayaan dowladaha Masar iyo Turkey isagoo xusay in taageeradii Itoobiya ee Koonfur Galbeed ay daciiftay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sameyntii ay Itoobiya ku lahayd Puntland ay si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhacayso.

Sida uu sheegay, hoos u dhaca saameynta Itoobiya ee Soomaaliya wuxuu fursad u abuuray dalal kale sida Turkiga iyo Masar inay buuxiyaan booskaas. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka dhow ee u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu sidoo kale sababay in Sacuudiga oo ah awood weyn oo gobolka ah uu u janjeero taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ku dooday in dhammaan isbeddelladan ay salka ku hayaan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland ee ku saabsanaa helitaanka marin badeed, isagoo ku tilmaamay tallaabo istiraatiiji ahaan gaaban oo keentay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyso dalal kale si ay u xoojiso mowqifkeeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *