Author: Banaadir24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo…

Read More

Dowladda Sweden ayaa ansixisay istaraatiijiyad cusub oo gargaarka ah oo ku wajahan Soomaaliya, taas oo si cad loogu talagalay in lagu yareeyo socdaalka ku wajahan Sweden isla markaana lagu cadaadiyo Soomaaliya inay dib u qaadato muwaadiniinteeda dalkaas u jooga sida sharci darrada ah. Wasiirka Iskaashiga Horumarinta iyo Ganacsiga Dibadda ee Sweden, Benjamin Dousa, ayaa u sheegay wargeyska Expressen in Soomaaliya laga filayo inay dib u qaadato muwaadiniinteeda aan haysan sharci ay ku sii joogaan Sweden, isla markaana ay si firfircoon uga hortagto socdaalka sharci darrada ah ee ku wajahan Sweden iyo guud ahaan Yurub. Istaraatiijiyaddan cusub ee iskaashiga horumarineed ee…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib uga laabtay hanjabaadihii uu ku doonayay inuu ku qaado weerarro culus oo ka dhan ah Iran habeenkii Talaadada, isaga oo qaaday tallaabo lagu dejinayo xiisadda dagaalka wax ka yar laba saacadood ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee uu u qabtay Tehran inay oggolaato heshiis. Trump ayaa sheegay inuu hakiyay qorshihii uu ku beegsan lahaa buundooyinka iyo xarumaha korontada ee Iran, kaddib markii Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad-joojin laba toddobaad ah, taas oo sidoo kale ku jirto dib u furista marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz. Golaha Ammaanka Qaranka ee Sare ee…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay culimaa’udiinka deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kulanka looga hadlay kaalinta culimada ee dowlad-dhiska, xasillinta bulshada, iyo horumarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Culimadii kulanka ka qeyb gashay oo ugu horreyn soo dhoweeyey isbedelka ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa taageeray dadaalada dowladda ee ku aaddan dhismaha maamul hufan oo ay ku qanacsanyihiin bulshada deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna sidoo kale caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay garab istaagaan dowladda, si loo xaqiijiyo midnimo, nabad, iyo horumar waara. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay, shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta howlaha xasillinta, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo isku dubbaridka dadaallada dowladeed ee lagu xaqiijinayo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha oo warbixinno faahfaahsan ka dhageystay Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed…

Read More

Wasiirka Dekedaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay goorta uu Markabka Cagri Bey ee bilaabaya qodista shidaalka Soomaaliya uu imaanayo dalka. Wasiir Jaamaac ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook ku xaqiijiyay in markabka uu leeyahay Turkiga ee Cagri Bey uu imaanayo Soomaaliya maalinta Jimcaha. “Horey u soco, Çağrı Bey! Badaha waa goobtaada, jidka rajaduna fur!” Hadduu Alle idmo, markabkan weyn ee qodista shidaalka oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida, wuxuu Jimcaha iman doonaa Soomaaliya. Waxaan Alle ka baryaynaa in hawlaha laga qabanayo biyaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo khayr iyo barwaaqo u keena shacabka Soomaaliyeed, shacabka…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale adkeeyay hanjabaaddiisa ah in uu “baabi’in doono” kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Iran, haddii Tehran aysan aqbalin shuruudaha uu hor dhigay ka hor 8-da fiidnimo ee waqtiga Washington maalinta Talaadada. Trump ayaa sheegay in bartilmaameedyada suurtagalka ah ay ka mid noqon karaan nidaamyada tamarta, isgaarsiinta iyo biyaha ee Iran, taas oo sare u qaadaysa walaaca caalamiga ah ee ku aaddan saameynta ay arrintan ku yeelan karto shacabka rayidka ah. Ilaa hadda, dowladda Iran ayaa si cad u diiday dalabyada Trump, iyadoo ku adkeysaneysa inay weli leedahay awood iyo saameyn ay ku wajahdo dagaalka…

Read More

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyaad si culus u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay duleedka magaalada, gaar ahaan deegaanka Bay-Buurjeed oo qiyaastii 12-kiloomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada. Dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in saacadihii u dambeeyay ay jireen dhaq-dhaqaaqyo muuqda oo ay sameynayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo si abaabulan u maraya deegaannadaasi. Weli ma cadda ujeeddada dhabta ah ee dhaqdhaqaaqan, balse waxaa jira cabsi laga qabo in ay qorsheynayaan weerar toos ah oo ay ku qaadaan magaalada Baydhabo, ama ay isku diyaarinayaan inay beegsadaan ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan dhacay iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo simanyahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka warbixinno faah faahsan uga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaasi oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardargelinta howlgalada ka dhanka Khawaarijta iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Masuuliyiinta iyo Saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda…

Read More