Sacuudiga oo Xukun Dil ah ku Fulisay Ganacsade Caan ah

Faraj oo 42 jir ahaa ayaa sanadkii 2022 lagu xukumay dambiyo ay ka mid yihiin ka qeybgalka mudaharaadyo ka dhacay gobolka Qatif, oo ah deegaan ay u badan yihiin dadka Shiicada ee bariga dalka Sacuudiga, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay unug argagixiso isla markaana uu dilay askar boolis ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday dilkiisa, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay timid kadib amar boqortooyo oo ansixiyay fulinta xukunka.
Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay ilaalinta amniga, xaqiijinta caddaaladda, iyo fulinta xeerarka shareecada Islaamka ee ka dhanka ah cid kasta oo ku xadgudubta dadka rayidka ah iyo badqabka bulshada.
Sidoo kale waxay digniin u dirtay cid kasta oo ku fikireysa falal noocaas ah, iyadoo sheegtay inay la kulmi doonaan ciqaabta uu sharcigu qabo.
Dhankiisa, Faraj ayaa muddo dheer beeniyay eedeymaha loo jeediyay, isagoo ku andacooday in lagu qasbay qirasho kadib jirdil loo geystay. Wuxuu sheegay in lagu dhex wareejin jiray kursiga cuuryaamiinta isbitaalka xabsiga intii ay soctay su’aalo weydijnta isla markaana lagu hayay xabsi keli ah muddo 21 bilood ah.
Faraj wuxuu ka mid ahaa boqolaal muwaadiniin Sacuudi ah oo sanadkii 2011 ka qeyb qaatay dibadbaxyadii loo yaqaanay Kacdoonkii Carabta, kuwaas oo lagu dalbanayay dimuqraadiyad iyo isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalka.
Inta badan dadka ka qeyb qaatay mudaharaadyadaasi waxay ka soo jeedeen bulshada Shiicada ee ku nool gobolka Qatif, kuwaas oo muddo dheer ka cabanayay takoor iyo sinaan la’aan ay sheegeen inay kala kulmaan dowladda.
Sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay wakaaladda wararka ee AFP, sanadkii 2025 ayay Sacuudiga jebisay rikoor ay horey u dhigtay oo ku saabsanaa tirada dilalka la fuliyay hal sano gudaheed, iyadoo la dilay 340 qof.









