Dilal, Afduub iyo Bililiqo Is Barbar Socda: Baydhabo oo gashay xaalad halis ah
Warar isa soo taraya ayaa ka soo baxaya magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegaya in falal bililiqo iyo dhibaatooyin amni ay ka dhasheen isbeddelladii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay maamulkaasi iyo ciidamada galay gudaha magaalada.
Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in si baahsan loo beegsaday hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay, iyadoo dhacdooyin la xiriira boob iyo burbur hantiyeed laga diiwaangeliyay meelo kala duwan oo magaalada ah. Arrintan ayaa walaac xooggan ku abuurtay shacabka, kuwaas oo ka cabsi qaba xaalad amni darro iyo fowdo sii fida oo faraha kabaxda.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in habeenno xiriir ah guryahooda laga kaxeeystay dad rayid ah, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdicasiis Laftagareen. Waxaa sidoo kale jira beegsi lagu haayo saraakiisha iyo ciidamadii taabacsanaa Laftagareen balse go’aansaday inay isaga haraan oo wali kusugan magaalada Baydhabo kuwaas oo qaarkood inta la afduubtay la dilay halka qaar kalana wali lala’ yahay nolol iyo geeri intaba.
Dhanka kale, ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Baydhabo, kaddib falal lala xiriirinayo maleeshiyaad hubeysan.
Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada ku aaddan badbaadada shacabka iyo ilaalinta hantida, kaddib isbeddeladii siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed.









