Ciidamada Xoogga Dalka Iyo Kuwa AUSSOM Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Sare Oo Shabaab Ah

Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, oo lagu magacaabo Salaad Cusmaan Macalin oo loo yaqaan “Sahm”, kaddib hawlgal ka dhacay deegaanka Mubaraka.
Ninkan oo 40 jir ah, isla markaana ahaa taliyaha guuto ka tirsan Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009, ayaa lagu soo qabtay isagoo sahaminayay difaacyada ciidamada dowladda ka hor weerar la qorsheeyay. Howlgalka lagu qabtay waxaa si gaar ah uga qeyb qaatay cutubka Gorgor ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 203.
Wararka ayaa sheegaya in Sahm uu la socday dagaalyahanno kale, oo ay ku jireen ajaanib dhawaan laga soo raray degmada Jilib. Intii lagu guda jiray baaritaanka, waxaa uu bixiyay xog ku saabsan xubno kale oo la shaqeynayay, oo uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Ismaaciil oo u dhashay dalka Kenya, kaasoo la sheegay inuu isku xilqaamay fulinta weerar ismiidaamin ah.
Sidoo kale, eedeysane kale oo lagu magacaabo Salman ayaa la sheegay inuu baxsaday intii howlgalka socday.
Taliyaha Qeybta Koowaad ee AUSSOM, Jeneraal Jackson Kayanja, ayaa ammaanay feejignaanta ciidamada fuliyay howlgalka, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada iyo bulshada rayidka ah.
AUSSOM ayaa mar kale xaqiijisay in ay ka go’an tahay la dagaallanka khatarta argagixisada iyo xoojinta nabadda iyo amniga guud ee Soomaaliya.









