LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka Oo Ciidanka Ku Bilowday Tiro-Koob Qabiil & Madaxweyne Xasan oo Ciidamo ku Urursanaya Muqdisho

Xog hoose oo Banaadir24 ay ka heshay ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay bilaawday arrin ay aad ula yaabeen saraakiisha iyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay saraakiisha iyo ciidamada gaar ahaan kuwa ku sugan xerada Gen Gordon, Kulliyada Jaalle Siyaad, wasaaradda Gaashaandhigga  iyo xerada Villa Baydbabo ay ku bilaawday tiro koob lagu weydiinayo dhammaan askarta iyo saraakiisha qabiiladooda iyo jifo hoosaadkooda.

Arrintaan oo ay si weyn ula yaabanyihiin saraakiisha ciidamada ayaa waxaa sarkaal ka tirsan ciidamada oo qeyb ka ahaa tira koobkan oo socday saddexdii maalin ee lasoo dhaafay uu inoo sheegay in arrintaan ay tahay markii ugu horeysay oo lagu sameeynayo ciidamada Xoogga dalka islamarkaana aysan hore u dhicin.

Askarta iyo saraakiisha qaar ee tirakoobka lagu sameeyay islamarkaana la ogaaday inay yihiin jifada madaxweynaha ayaa qaarkood laga qaaday xeryahaas iyagoona loo wareejiyay goobo kale oo ay kamid tahay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dowladda federaalka ay maalmo kahor ciidamo ka keentay gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan kuwaas oo naloo xaqiijiyay inay ku heyb yihiin Madaxwene Xasan Sheekh, islamarkaana lagu biiriyay ciidamada ilaalada madaxtooyada Villa Soomaaliya iyadoo aanan lagu wargalin taliska ciidanka Xooga dalka, sida ay ogaatay Banaadir24.

Ciidamadan ayaa la xaqiijiyay inay qeyb ka yihiin ciidamo daacad u ah madaxweynaha oo uu qorsheynayo inuu kula wareego ammaanka magaalada Muqdisho Bishan April si ay uga hortagaan cid kasta oo kasoo horjeeda qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *