Baydhabo oo Qarka U Saaran Isku Dhac: Aadan Madoobe iyo Xasan Eelaay oo lagu eedeeyay Qabyaalad iyo Takoor

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed ee ka caawiyay ciidamada dowladda inay qabsadaan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in halgankii ay wadeen ka dib markii ay qabsadeen magaalada Baydhabo la afduubay, isagoo ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Xasan Eelaay inay kala qeybinayaan beelaha deegaanada Koonfur Galbeed iyo inay takoor ka bilaabeen goobaha shaqada.
Sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa ka digay in haddii cabashooyinkooda la iska indho tiro, ay suuragal tahay in ciidamadu qaadaan tallaabo hubeysan. “Haddii aan nala dhageysan, dhawaaqa rasaasteena ayaa cashar u noqon doona ,” ayuu yiri.
Sarkaalku wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamadu diidan yihiin in amarro laga siiyo Muqdisho, isla markaana ay go’aansadeen inay si madax-bannaan u gaaraan himilooyinkooda.
Hadalladan kaasoo yeeray saraakiisha ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa muujinaya xiisadda kacsan ee sii kordheysa ee ka dhex jirta ciidamada ku sugan Baydhabo, iyo suurtagalnimada in xaaladdu isu beddesho mid sii xumaata haddii aan si degdeg ah loo xallin cabashooyinka jira.









