LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo markii ugu horeeysay burburkii kadib diiwaan galisay Markab qaatay Calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markabka “Guney”, kaas oo qaadanaya calanka Soomaaliya, isla markaana leh summadda caalamiga ah ee IMO No. 8230417.

Tallaabadan ayaa muujinaysa horumar muhiim ah oo laga gaaray dib u soo nooleynta diiwaangelinta maraakiibta dalka, iyadoo sidoo kale kor u qaadaysa kalsoonida ganacsiga badda iyo maalgashiga.

Wasaaradda ayaa xustay in diiwaangelintan ay fursad u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan adeegyada diiwaangelinta ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, tallaabadan waxay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee horumarinta iyo casriyeynta waaxda badda, si loo xoojiyo doorka ay ka qaadato kobaca dhaqaalaha qaranka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *