Dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo & Wararkii ugu dambeeyay

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi dhacay dagaal.
Dagaalka oo u dhexeeyay saddex ciidan oo kamid ah ciidankii mucaaradka Koonfur Galbeed ee Buurhakaba kasoo dhaqaaqay ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay isku qabsadeen maamulka xarunta degmada oo uu dhinac kasta sheegtay inay iyaga masuuliyadda leeyihiin.
Nin la sheegay inuu hogaaminaya mid kamid ah maleeshiyaadka ka yimid Buurhakaba ayaa la sheegay inuu sheegtay in isagu yahay guddoomiyaha degmada balse maleeshiyaad kale ay kasoo horjeesteen sidaana uu dagaalku ku bilaawday.
Ciidamada booliiska oo kusoo baxay dagaalka labada maleeshiyo ayaa ku guuleystay inay kala dhexgalaan labada maleeshiyo islamarkaana ay dagaalka joojiyaan.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac soo kala gaaray iyadoo rasaastu ay socotay ku dhawaad 30 daqiiqo.









