LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Xubno katirsan Baarlamaanka labada Aqal oo is casilaya: Ogow sababta

Xildhibaano si weyn ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isla markaana door muuqda ku lahaa doorashadii keentay inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno mucaarad ah oo ka kala soo jeeda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayaan inay is casilaan marka uu dhammaado muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka.

Wararka laga helayo ilo ku dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay ku dhawaaqi doonaan in uu si rasmi ah u dhammaaday waqtigii dastuurku u cayimay ee ay xilka hayeen, marka la gaaro dhammaadka muddada Baarlamaanka oo ku beegan inta u dhaxeysa bisha Maarso ilaa Abriil.

Xubnaha qorshahan wada ayaa la sheegay inay isugu jiraan Senatarro ka tirsan Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in tallaabadan ay salka ku hayso doodaha ku saabsan sharciyadda sii joogitaanka xildhibaanada marka uu dhammaado muddo-xileedkooda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in xildhibaanadan ay aaminsan yihiin in ay waajib tahay in la ixtiraamo muddada dastuuriga ah ee loo cayimay Baarlamaanka, ayna muhiim tahay in la caddeeyo xaaladda sharci ee hay’adaha dowliga ah marka uu dhammaado waqtigaas.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay weli taagan tahay dood ku saabsan doorashooyinka iyo mustaqbalka hay’adaha federaalka, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadda dalka bilaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *