LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Senator Faroole oo xaaraan ku tilmaamay Dastuurka Cusub

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa ku tilmaamay Dastuurka uu shalay saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mid “aan jirin” isla markaana uu ku sheegay been abuur.

Senator Faroole oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in Dastuurkii hore ee dalka uu ahaa mid muddo dheer laga soo shaqeeyay, isla markaana ay diyaariyeen masuuliyiin Soomaaliyeed xilli ay xaaladda amni ee Muqdisho aad u adkayd.

Faroole ayaa sidoo kale dhaliilay habka loo maray wax ka beddelka Dastuurka, isagoo sheegay in ansixinta ay sameeyeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhacday iyadoo aan la dhameystirin kooramkii looga baahnaa.

“Dastuurkii hore waqti badan ayaa lagu soo shaqeeyay, waxaana diyaarinayay masuuliyiin Soomaaliyeed xilli ay Muqdisho xaaladdeedu aad u halis ahayd,” ayuu yiri Faroole.

Ugu dambeyn, Senator Faroole ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu dalka u wado burbur siyaasadeed, isagoo xusay in Dastuurka cusub uusan waxba ka quseyn maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dood xooggan ka taagan tahay wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo ay dowladda federaalka sheegtay in uu muhiim u yahay dhameystirka nidaamka dowladnimo ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *