LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Farmaajo oo is kulul uga hadlay tallaabo uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh kuna Eedeeyay…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay saxiix uu maanta sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka dalka.

Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ay khatar ku tahay dowladnimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka in ay ku xadgudubtay habraacyadii iyo nidaamkii loogu talagalay wax ka beddelka dastuurka.

Farmaajo ayaa sheegay in mowqifka dowlad-goboleedyada ee ku aaddan laalistii dastuurka dalka iyo xildhibaannada labada aqal ee qaaddacay fadhiyada la xiriira arrimaha dastuurka ay muujinayaan in arrintu jirin heshiis qaran oo ku saabsan isbeddelka la sameynayo.

“Arrintani waxay metelaysaa bulsho badan iyo mas’uuliyiin hore oo waday dadaallada dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood aragti ka duwan ka qaba qaabka loo maray wax ka beddelka dastuurka,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale tilmaamay in saxiixa sharci darrada ah ee maanta uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhaawacayo hab-raaca dastuurka ku meel gaarka ah, isla markaana uu kala qeybinayo ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in ay dib uga laabtaan go’aannada lagu muransan yahay, isla markaana la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo shuruucda iyo habraacyada dastuuriga ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *