WAR DEG DEG AH: Dagaal xoogan oo ka socda degaan katirsan Gobolka Hiiraan

Dagaal u dhexeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka socda kontorool ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay bannaanka deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi, dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen saldhig iyo kontorool ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Tardo. Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay isku dayayaan inay ka saaraan kooxda Al-Shabaab goobtaasi.
Goobjoogayaal ku sugan aagga dagaalku ka socdo ayaa sheegay in weli la maqlayo rasaas culus iyo mid fudud, taasoo muujinaysa in dagaalku sii socdo. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka.
Sidoo kale lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaadka, maadaama xaaladda deegaanka ay weli tahay mid kacsan, islamarkaana ay adag tahay in si buuxda loo xaqiijiyo tirada dhimashada iyo dhaawacyada.
Wararka kusoo kordha dagaalka kala socda halkan Banaadir24.com









