LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogatay Lix Ruux: Akhriso Magacyada

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtay lix ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jaajuusiin la shaqeynayay sirdoonno shisheeye iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Goobta toogashada oo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan fulinta xukunka ayaa kooxda sheegtay in ragga la dilay ay la shaqeynayeen sirdoonnada Mareykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Al-Shabaab waxay sidoo kale ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen hagidda duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda.

Ragga lagu toogtay deegaanka Kuunya-Barow ayaa kala ahaa:

Cali Ibraahim Cabdi, 25 sano jir

Idiris Cali Xasan, 35 sano jir

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax, 33 sano jir

Iibaan Cabdi Bilow, 31 sano jir

Maxamed Aadan Xasan, 27 sano jir

Cabdinaasir Maxamed Aadan, 26 sano jir

Al-Shabaab ayaa marar badan fagaarayaal ku yaalla deegaannada ay maamulaan ku fulisa xukuno ay ku sheegaan inay yihiin kuwo ka dhan ah dadka ay ku eedeeyaan basaasnimada.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo bil ka hor ay kooxda sidoo kale toogasho ku dishay 10 ruux oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonnada Soomaaliya iyo Mareykanka, kuwaas oo lagu dilay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *