LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay xaalad ka taagan dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay dadaallada ay ku raadinayso gurmad degdeg ah oo loo fidiyo gobollada sida daran ay u saameysay abaarta ka jirta dalka. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan dalal iyo hay’ado caalami ah si loo helo taageero bani’aadannimo oo lagu gaarsiiyo dadka ay xaaladdu saameysay.

Dowladdu horay ayay u shaacisay in baahida gurmadka ay aad u ballaaran tahay, isla markaana awoodda dhaqaale ee ay hadda hayso aysan dabooli karin baahida ka jirta dhammaan meelaha ay abaartu ku dhufatay. Sidaa darteed, waxay ku baaqday in la helo garab istaag caalami ah oo degdeg ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhowaan safar ku tegay qaar kamid ah deegaannada bartamaha dalka, halkaas oo ay si toos ah ugu soo arkeen xaaladaha adag ee ay wajahayaan dadka iyo xoolo dhaqatada ay abaartu saameysay.

Intii uu safarkaasi socday kadib, guddoomiyaha SoDMA wuxuu billaabay kulamo uu la yeelanayo safiirrada dalalka shisheeye ee ku sugan Muqdisho, si uu ula wadaago xogta iyo qiimeynta ay hay’addu ka samaysay xaaladda abaarta, isla markaana looga codsado inay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaatadu saameysay.

Inkasta oo hay’addu ay bilowday barnaamijyo biyo dhaamin ah oo loogu talagalay dadka iyo xoolaha ku nool deegaannada ay abaartu ku dhufatay, haddana wararka laga helayo qaar kamid ah gobollada ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay baahi weyn oo dhinaca cunnada iyo biyaha ah, iyadoo biyaha la gaarsiinayo qaarkood aysan dabooli karin baahida dadka ku nool halkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku baaqday in la kordhiyo taageerada bani’aadannimo si looga hortago in xaaladda abaartu sii xumaato, isla markaana gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo dadka u nugul saamaynta abaarta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *