DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Nin Soomaali ah oo loo haysto dil oo kasoo muuqday maxkamad ku taalla Maraykanka

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Yusuf Ali Salaad ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla dalka Maraykanka, kadib markii lagu soo eedeeyay dilka gabadh Soomaaliyeed oo ka dhacay gobolka Minnesota.

Sida ay sheegeen booliiska, dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday 13-kii bishii December magaalada Richfield ee gobolka Minnesota. Eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu toogtay gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Sumayo Gaabow.

Wararka laga helayo hay’adaha ammaanka ayaa tilmaamaya in gabadha xabbad looga dhuftay garabka bidix, taas oo sababtay dhaawac culus oo ugu dambeyn sababay geerideeda.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in markii la qabanayay eedeysanaha Yusuf Ali Salaad uu watay daroogo ka tirsan darajada koowaad, taas oo iyaduna qayb ka noqotay eedaha loo haysto.

Kiiskan ayaa hadda ku jira maxkamad, waxaana la filayaa in baaritaanno dheeraad ah iyo dhageysiyo kale lagu sameeyo, iyadoo maxkamaddu go’aamin doonto eedaha rasmiga ah iyo xukunka ka dhalan kara haddii lagu helo dambiga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *