LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Dowladda oo hareereeyay Xawaadleey & xaaladda oo kacsan

Sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Dadka degaanka, Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay degmada Xawaadley oo ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe kadib markii ay isaga baxday Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada oo kasoo runqaasaday degaanka Qalimow ayaa ku sugan meel 7km u jirto degaanka iyadoo dadka shacabka ah cabsi ka qabaan inay dib usoo laabato Kooxda.

Sida ay sheegayso Xogta, tiro Maxaabiis ah ayay kooxda horay usii kaxeysatay lama yaqaano halka ay la aadeen, waxaana dhinaca kale jirto in qeyb kamid ah shacabka durba bilaabeen inay qaxaan ayaga oo ka baqaya in halkaasi ka qarxo dagaal culus oo u dhaxeeya labada dhinac.

Degmada Xawaadley ayaa ah degmo istaraatiiji ah waxaana dhowr jeer ku kala wareegay Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Al-Shabaab hayeeshee gacan ku heynta degmadaan ayaa ahmiyad weyn ugu fadhiya Dowladda Soomaaliya iyo shacabka halkaasi ku nool.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *