Author: Banaadir24 Editor

Waxaa maanta cirka isku shareertay xiisadda ka taagan degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya la geeyay agagaarka guriga uu deggan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre. Ciidamada la geeyay goobta ayaa la sheegay inay wateen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan, kuwaas oo lagu arkay hareeraha guri uu leeyahay Xildhibaan Jacfar oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha. Gurigan ayaa la sheegay inuu xalay ku hoyday Xasan Cali Kheyre, taas oo sababtay in goobta ay noqoto meel si weyn isha loogu hayo. Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya…

Read More

Ciidamo badan oo ka tirsan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu arkay inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la geeyay gaadiid gaashaaman oo heegan ku jira meelo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada la dhigay waddooyinka u dhexeeya Isgoyska Sayidka iyo Ex-Control Afgooye, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaq amni oo aan caadi ahayn. Ciidamada ayaa lagu arkay iyagoo gaaf-wareegaya waddooyinka muhiimka ah, halka gaadiidka gaashaaman lagu arkay goobaha istiraatiijiga ah ee magaalada. Tallaabadan amni ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo…

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa la sheegay inuu ka guuray deegaanka ku dhow xayndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo hadda degay nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee amni ahaan iyo siyaasad ahaanba ku yaalla magaalada Muqdisho. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Khayre uu halkaasi kula degay Xildhibaan Jacfar, iyadoo goobta cusub ee ay degeen ay ku taallo meel aan ka fogeyn Villa Soomaaliya, xarunta madaxtooyada dalka. Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo diyaar-garowyo la xiriira dibadbaxyo ay qorsheynayaan kooxaha mucaaradka. Muuqaallo lagu…

Read More

Agaasimaha cusub ee Isbitaal Banaadir Drs Muna Xuseen Xasan ayaa Shaqada ka ceyrisay si dulmi ah umulisooyin iyo kalkaaliyaal duruufo adag ku soo shaqeeyay. Shaqaalahan oo gaaraya ilaa 24 Ruux lagana Eryey maanta Isbitaal Banaadir ayaan loo marin Xeerka Shaqo ka saarista ee Shaqaalaha Dawladda. Warqadda shaqada looga eryay shaqaalahan lama ogaysiin wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Shaqada, waxaana la rumeysan yahay in agaasimaha ay rabto in boosaskan ay ku bedelato dad ayada ay wadato oo qaraabeeda ah.

Read More

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku ammaanay horumarka amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, isagoo si dadban u weeraray dadka uu ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan horumarka caasimadda. Qoraalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku baaqeen bannaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho 4-ta bisha June, kaas oo lagu muujinayo cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka. Inkasta oo wasiirku aanu si toos ah u magacaabin siyaasiyiinta mucaaradka ama qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa, haddana hadalladiisa ayaa loo fasirtay inay…

Read More

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyey deegaannada Garas Dheere, Jariirow iyo Dabayley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida gobolka ayaa lagu baaray goobaha ay ku dhuumaaleysan karaan Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sameeyeen roondooyin iyo baaritaanno lagu xaqiijinayo badqabka shacabka ku nool deegaannadaasi. Taliska Ururka 164-aad ayaa sheegay in howlgalladu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyey, isla markaana ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab ee isku dayaya inay qalqal geliyaan amniga…

Read More

Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay sare u qaaday dhaqdhaqaaqyadeeda siyaasadeed ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay socdaan diyaar-garowyo la xiriira bannaanbaxyo la qorsheeyay in lagu qabto caasimadda 6-da June. Sida ay sheegayaan warar iyo ilo kala duwan oo xog-ogaal ah, hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan mucaaradka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre, ayaa la sheegay inay isbeddel ku sameeyeen goobihii ay hore uga deganaayeen Muqdisho, iyagoo u wareegay xaafado iyo deegaano kale oo magaalada ku yaalla. Ilo ku dhow dhinacyada mucaaradka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe ballaaran…

Read More

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Ahmed Attaf, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Aljeeriya ee midnimada Soomaaliya iyo diidmadeeda dhammaan noocyada iyo isku dayada faragelinta dibadda ee lagu hayo dalka Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay tallaabada lagu furay waxa loogu yeeray safaaradda Somaliland ee magaalada Quddus ee la haysto inay tahay tallaabo aan macno lahayn. Isagoo ka hadlayay xaaladda Geeska Afrika oo ay hareeyeen xiisado, qalalaase iyo colaado isdaba joog ah, ayuu sheegay in Aljeeriya ay dib u cusboonaysiinayso taageeradeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya iyo ilaalinta dhulkeeda. Sidoo kale, Aljeeriya waxay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda adag ee ay kaga soo horjeeddo…

Read More

Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay saqdii dhexe u guuray aqal ku yaalla agagaarka Isgoyska Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo la sheegay inuu ka hoggaamin doono diyaar-garowga iyo abaabulka bannaanbaxa ay mucaaradku ku baaqeen in uu qabsoomo 4-ta bishan June. Wararka laga helayo Mirinaayo ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu halkaasi ka bilaabay kulamo iyo abaabul la xiriira isu-soo-baxa la qorsheeyay, iyadoo taageerayaashiisa iyo xubno ka tirsan madasha mucaaradka ay ku sugan yihiin deegaankaasi si ay u dardar-geliyaan qabanqaabada bannaanbaxa. Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay jeediyay hadal adag oo uu ku dhaliilay dowladda federaalka, gaar ahaan…

Read More

Maamulkii Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray Cabdi Casiis Laftagareen ayaa warsaxaafadeed cusub oo ku qoran luqadda Ingiriisiga kasoo saaray Xafiiska Madaxweynaha, iyadoo ku caddeeyay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana si waafaqsan dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka loo soo doortay. Laftagareen wuxuu sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay adeegsiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hawlgallada ka socda magaalada Baydhabo. Qoraalka ayaa xusay in tallaabooyinkaas ay sababeen…

Read More