Dowladda oo Ciidamo xoogan ku daadisay waddooyinka Muqdisho, cabsi dagaal…

Ciidamo badan oo ka tirsan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu arkay inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la geeyay gaadiid gaashaaman oo heegan ku jira meelo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada la dhigay waddooyinka u dhexeeya Isgoyska Sayidka iyo Ex-Control Afgooye, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaq amni oo aan caadi ahayn.
Ciidamada ayaa lagu arkay iyagoo gaaf-wareegaya waddooyinka muhiimka ah, halka gaadiidka gaashaaman lagu arkay goobaha istiraatiijiga ah ee magaalada.
Tallaabadan amni ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay qorsheeyeen in Beri bannaanbax ka dhan ah Dowladda ka dhigaan Muqdisho.
Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in xubno ka tirsan mucaaradka ay maalmahan wadeen kulamo iyo shirar gaar ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulamadaasi diiradda lagu saarayo qiimeynta xaaladda jirta iyo sida looga falcelin karo isbeddellada ka socda caasimadda.
Dadka shacabka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyadoo qaarkood ay muujiyeen walaac ku aaddan saameynta ay dhaq-dhaqaaqyada amni ku yeelan karaan isu socodka gaadiidka iyo howlaha maalinlaha ah ee bulshada.









