Ciidan la dul-dhigay Guriga Xasan Cali Kheyre & xiisad ka dhalatay

Waxaa maanta cirka isku shareertay xiisadda ka taagan degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya la geeyay agagaarka guriga uu deggan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.
Ciidamada la geeyay goobta ayaa la sheegay inay wateen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan, kuwaas oo lagu arkay hareeraha guri uu leeyahay Xildhibaan Jacfar oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha. Gurigan ayaa la sheegay inuu xalay ku hoyday Xasan Cali Kheyre, taas oo sababtay in goobta ay noqoto meel si weyn isha loogu hayo.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo isu muuqda, iyadoo guriga ay sidoo kale ku sugan yihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Jacfar, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Faaisa Jeyte.
Dadka ku nool xaafadda Dhagaxtuur ee degmada Howlwadaag ayaa walaac iyo cabsi ka muujinaya xaaladda sii cakirmeysa, iyagoo ka baqaya in xiisaddu isu beddesho iska horimaad hubeysan. Qaar ka mid ah shacabka deegaanka ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda agagaarka xaafadda.









