Sheekh Shariif oo u guuray Mirinaayo & Dowladda oo tallaabo qaadeysa

Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay saqdii dhexe u guuray aqal ku yaalla agagaarka Isgoyska Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo la sheegay inuu ka hoggaamin doono diyaar-garowga iyo abaabulka bannaanbaxa ay mucaaradku ku baaqeen in uu qabsoomo 4-ta bishan June.
Wararka laga helayo Mirinaayo ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu halkaasi ka bilaabay kulamo iyo abaabul la xiriira isu-soo-baxa la qorsheeyay, iyadoo taageerayaashiisa iyo xubno ka tirsan madasha mucaaradka ay ku sugan yihiin deegaankaasi si ay u dardar-geliyaan qabanqaabada bannaanbaxa.
Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay jeediyay hadal adag oo uu ku dhaliilay dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay hoggaanka dalka inuu ku guuldarreystay qabashada doorasho lagu wada heshiiyey iyo ilaalinta hannaanka dastuuriga ah ee dalka.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in bannaanbaxa la qorsheeyay aanu dib u dhac ama baaqasho ku imaan doonin, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si ballaaran uga qayb qaataan isu-soo-baxa ay mucaaradku ku baaqeen.
“Shacabka waxaan ugu baaqaynaa inay kasoo qayb galaan goobaha ay mucaaradku cayimi doonaan, si codkooda ay ugu muujiyaan rabitaankooda ku aaddan doorasho heshiis lagu yahay iyo ilaalinta nidaamka dimuqraadiyadeed,” ayuu sheegay Sheekh Shariif.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Sheekh Shariif uu u guuro Mirinaayo xilli ay jirto abaabul bannaanbax. Bishii May ee la soo dhaafay, gaar ahaan 9-kii May, ayuu sidoo kale u guuray isla halkaas si uu uga qayb qaato diyaar-garowga bannaanbax mucaaradku ku baaqeen inuu qabsoomo 10-kii bishaas.
Si kastaba ha ahaatee, bannaanbaxaasi ma uusan dhicin sidii loo qorsheeyay, kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin amni oo lagu xakameynayay isu-soo-baxa, taasoo sababtay muran siyaasadeed iyo eedeymo is-dhaafsi ah oo dhexmaray dowladda iyo mucaaradka.









