Wasiir Jaamac oo qoraal ku weeraray siyaasiyiinta Mucaaradka

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku ammaanay horumarka amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, isagoo si dadban u weeraray dadka uu ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan horumarka caasimadda.
Qoraalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku baaqeen bannaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho 4-ta bisha June, kaas oo lagu muujinayo cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Inkasta oo wasiirku aanu si toos ah u magacaabin siyaasiyiinta mucaaradka ama qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa, haddana hadalladiisa ayaa loo fasirtay inay ku wajahan yihiin dhinacyada dhaliilsan dowladda.
Wasiirku wuxuu sheegay in mar kasta oo uu booqdo xeebta Liido uu ku arko ajaanib badan oo ku sugan halkaas, taasoo uu ku tilmaamay caddayn muujinaysa heerka amni iyo xasillooni ee Muqdisho.
“Markaasaa waxay qoryo la soo aadeen magaalada meeshii loo soo damaashaad tageeyey oo ay ugu horeyso xeebta Liido,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay kooxo aanu magacaabin inay ka soo horjeedaan horumarka iyo nabadda Muqdisho, isagoo yiri: “Alla nimanku cadowsanaa oo horumarka Shacabka Muqdisho nebcaa!”
Qoraalka wasiirka ayaa sii xoojiyay doodaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho kahor bannaanbaxa la qorsheeyay 4-ta June, iyadoo dowladda iyo mucaaradku ay is dhaafsanayaan eedo ku saabsan xaaladda amniga iyo jihada siyaasadeed ee dalka.










