Dowladda Aljeeriya oo ka hortimid tallaabo ay qaaday Somaliland kuna dhawaaqday

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Ahmed Attaf, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Aljeeriya ee midnimada Soomaaliya iyo diidmadeeda dhammaan noocyada iyo isku dayada faragelinta dibadda ee lagu hayo dalka Soomaaliya.
Wuxuu ku tilmaamay tallaabada lagu furay waxa loogu yeeray safaaradda Somaliland ee magaalada Quddus ee la haysto inay tahay tallaabo aan macno lahayn.
Isagoo ka hadlayay xaaladda Geeska Afrika oo ay hareeyeen xiisado, qalalaase iyo colaado isdaba joog ah, ayuu sheegay in Aljeeriya ay dib u cusboonaysiinayso taageeradeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya iyo ilaalinta dhulkeeda.
Sidoo kale, Aljeeriya waxay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda adag ee ay kaga soo horjeeddo faragelin kasta oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Soomaaliya ayuu yiri.









