LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kheyre iyo Jacfar oo Ciidamo la tegay Agagaarka Madaxtooyada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa la sheegay inuu ka guuray deegaanka ku dhow xayndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo hadda degay nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee amni ahaan iyo siyaasad ahaanba ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Khayre uu halkaasi kula degay Xildhibaan Jacfar, iyadoo goobta cusub ee ay degeen ay ku taallo meel aan ka fogeyn Villa Soomaaliya, xarunta madaxtooyada dalka. Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo diyaar-garowyo la xiriira dibadbaxyo ay qorsheynayaan kooxaha mucaaradka.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay ayaa muujinaya ciidamo hubeysan oo si dhow ula socda Khayre iyo Xildhibaan Jacfar, kuwaas oo sugaya ammaankooda. Muuqaalladan ayaa si weyn u qabsaday dareenka bulshada, iyadoo dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay ku tilmaameen inay ka tarjumayaan xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo xasaasi ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in tallaabada Khayre uu ugu soo guuray aaggan muhiimka ah ay la xiriiri karto xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo bannaanbaxa ay mucaaradka qorsheeyeen in Maalinta berito ah in uu ka dhaco Muqdisho.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay tallaabooyinka amniga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo waddooyinka waaweyn, isgoysyada muhiimka ah iyo goobaha dowladda. Ciidamadan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshe lagu xoojinayo amniga caasimadda kahor dibadbax ay mucaaradku ku baaqeen in la qabto bilowga bisha June.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *