LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Laftagareen oo dacwad ka gudbiyay Madaxda Dowladda kuna adkeystay…

Maamulkii Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray Cabdi Casiis Laftagareen ayaa warsaxaafadeed cusub oo ku qoran luqadda Ingiriisiga kasoo saaray Xafiiska Madaxweynaha, iyadoo ku caddeeyay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana si waafaqsan dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka loo soo doortay.

Laftagareen wuxuu sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay adeegsiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hawlgallada ka socda magaalada Baydhabo. Qoraalka ayaa xusay in tallaabooyinkaas ay sababeen cabashooyin la xiriira dhibaatooyin soo gaaray shacabka, oo ay ka mid yihiin barakac, xayiraado siyaasadeed iyo arrimo kale oo bani’aadannimo.

Warsaxaafadeedku wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, dalalka deeq-bixiyeyaasha ah iyo hay’adaha taageera ciidamada Soomaaliya inay dib u eegaan taageerada ay bixiyaan si loo hubiyo in aan loo adeegsan waxyeellaynta shacabka ama sii hurinta xiisadaha siyaasadeed.

Sidoo kale, Maamulka Koonfur Galbeed ee Laftagareen ayaa ku adkaysatay in hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahi ay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda, isla markaana gargaarka bani’aadannimo lagu saleeyo daryeelka iyo badbaadada shacabka.

Ugu dambayn, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed ay diidan yihiin faragelin kasta oo siyaasadeed ama militari oo lagu soo rogo maamul aan sharci ahayn, isla markaana aysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka dhalata doorashooyin ay waddo dowladda federaalka ee hadda jirta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *