FEATUREDLATEST NEWSWARARKA
Agaasimaha Isbitaal Banaadir oo fadeexad wajaheysa Shaqadana ka ceyrisay..

Agaasimaha cusub ee Isbitaal Banaadir Drs Muna Xuseen Xasan ayaa Shaqada ka ceyrisay si dulmi ah umulisooyin iyo kalkaaliyaal duruufo adag ku soo shaqeeyay.
Shaqaalahan oo gaaraya ilaa 24 Ruux lagana Eryey maanta Isbitaal Banaadir ayaan loo marin Xeerka Shaqo ka saarista ee Shaqaalaha Dawladda.
Warqadda shaqada looga eryay shaqaalahan lama ogaysiin wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Shaqada, waxaana la rumeysan yahay in agaasimaha ay rabto in boosaskan ay ku bedelato dad ayada ay wadato oo qaraabeeda ah.











