Ciidanka DANAB oo gudaha u galay Saldhigyada Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyey deegaannada Garas Dheere, Jariirow iyo Dabayley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida gobolka ayaa lagu baaray goobaha ay ku dhuumaaleysan karaan Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sameeyeen roondooyin iyo baaritaanno lagu xaqiijinayo badqabka shacabka ku nool deegaannadaasi.
Taliska Ururka 164-aad ayaa sheegay in howlgalladu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyey, isla markaana ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab ee isku dayaya inay qalqal geliyaan amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa xusay in howlgallada amni xaqiijinta ah ay sii socon doonaan, si loo xoojiyo amniga loona xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan jawi amni iyo xasillooni leh.
Sidoo kale, saraakiisha hogaaminaya howlgalkan
ayaa shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, ayna la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada.









