DUNIDA

Wadahadalladii Maraykanka iyo Iiraan oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa maanta oo Axad ah sheegay in wafdiga wadaxaajoodka Maraykanka ay ka baxeen dalka Pakistan, kaddib 21 saacadood oo wadahadallo ah oo ay la yeesheen Iiraan oo aan lagu gaarin heshiis.

Vance ayaa sheegay in wadaxaajoodyadu ay la kulmeen caqabado, isaga oo xusay in Iran ay diiday inay aqbasho shuruudaha Maraykanka, oo ay ka mid tahay inaysan dhisin hub nukliyeer ah.

“Warka xun waa inaan heshiis la gaarin, taasina waxay u badan tahay inay u daran tahay Iiraan marka loo eego Maraykanka,” ayuu yiri Vance. “Waxaan si cad u muujinnay xuduudahayaga cas.”

Sidoo kale, Vance ayaa sheegay inuu dhowr jeer la xiriiray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, intii ay socdeen wadaxaajoodyadu.

Kulamadan ka dhacay caasimadda Islamabad ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee toos ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan muddo ka badan toban sano, isla markaana ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo Kacaankii Islaamiga ee 1979.

Natiijada wadaxaajoodyadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xabbad-joojin jilicsan oo socotay laba toddobaad, iyo sidoo kale dib u furista marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, oo Iiraan ay xirtay tan iyo markii uu dagaalku billowday. Marin-biyoodkan ayaa muhiim u ah Maraakiibta shidaalka caalamka ku dhowaad 20%, iyadoo xiisadda ay sare u qaaday qiimaha saliidda isla markaana sababtay dhimashada kumannaan qof.

Dhanka kale, dowladda Iiraan ayaa qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay in wadaxaajoodyadu ay soo gabagaboobeen, isla markaana khubaro farsamo oo labada dhinac ah ay is dhaafsan doonaan dukumiintiyo.

“Wadahadalladu way sii socon doonaan inkastoo ay jiraan kala duwanaanshooyin weli taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo aan la sheegin waqtiga dib loo bilaabi doono.

Intii lagu guda jiray wadaxaajoodyada, Vance, ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo soddogga Trump, Jared Kushner, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abbas Araqchi, muddo laba saacadood ah ka hor fasax kooban, sida ay sheegeen ilo ka tirsan dowladda Pakistan oo dhexdhexaadinaysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *