Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Masar oo isu diyaarinaysa inay difaacdo Sacuudiga, Sisi oo Baarlamaanka…

    18 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah ciidamada Laftagareen

    18 October 2026

    Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Marka

    18 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Masar oo isu diyaarinaysa inay difaacdo Sacuudiga, Sisi oo Baarlamaanka…
    DUNIDA

    Masar oo isu diyaarinaysa inay difaacdo Sacuudiga, Sisi oo Baarlamaanka…

    Banaadir24By Banaadir2418 October 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaahira (Banaadir24) — Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa dalbaday in Baarlamaanka dalkiisa uu si degdeg ah u kulmo, si loo siiyo oggolaansho uu tallaabooyin difaac ah ugu qaadi karo Sacuudi Carabiya haddii dowladda Riyadh ay codsato gargaar militari.

    Sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters, Sisi ayaa hadalkan jeediyay Sabtidii, xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku beegsanayaan bartilmaameedyo ku yaalla Sacuudiga, oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh iyo xarumo la xiriira shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco.

    Sisi ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah difaaca Sacuudiga, isaga oo adkeeyay in ujeeddadu aysan ahayn in dal kale la weeraro, balse ay tahay in la difaaco boqortooyada haddii ay gargaar dalbato.

    Madaxweynaha Masar ayaa xusay in tallaabadaasi ay u baahan tahay oggolaanshaha Baarlamaanka, wuxuuna codsaday kulan degdeg ah oo arrintaas lagu ansixiyo.

    Baarlamaanka Masar ayaa sheegay inuu yeelanayo kulan guud Axadda, 18-ka Oktoobar, inkasta oo aan si rasmi ah loo faahfaahin ajandaha kulanka.

    Weerarrada Xuutiyiinta oo sare u qaaday xiisadda

    Tallaabada Qaahira ayaa timid kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay kordhiyeen weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga, iyadoo dagaalka u dhexeeya kooxdaas iyo ciidamada dowladda Yemen ee ay Riyadh taageerto uu dib u xoogaystay kaddib burburkii xabbad-joojintii.

    Masar iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir istaraatiiji ah iyo iskaashi dhaqaale oo muddo dheer soo jiray. Masarna waxay horay uga mid ahayd isbahaysigii Sacuudigu hoggaaminayay ee faragelinta ku sameeyay Yemen sannadkii 2015-kii.

    Haddii Riyaad ay si rasmi ah u codsato gargaar, isla markaana Baarlamaanka Masar bixiyo oggolaanshaha loo baahan yahay, Qaahira waxay yeelan kartaa waddo sharciyeed oo ay ku qaaddo tallaabooyin difaac ah.

    Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin in Sacuudigu si rasmi ah uga codsaday Masar inay ciidamo u dirto ama tallaabo militari oo gaar ah qaaddo.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleKoonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah ciidamada Laftagareen
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah ciidamada Laftagareen

    18 October 2026

    Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Marka

    18 October 2026

    Golaha Shacabka oo akhrintii koowaad mariyey hindise sharciyeedka mamnuucidda gudniinka gabdhaha

    17 October 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya u horseedayo xaalad…

    17 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    DUNIDA

    Masar oo isu diyaarinaysa inay difaacdo Sacuudiga, Sisi oo Baarlamaanka…

    By Banaadir2418 October 20260

    Qaahira (Banaadir24) — Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa dalbaday in Baarlamaanka dalkiisa uu si degdeg…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah ciidamada Laftagareen

    18 October 2026

    Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Marka

    18 October 2026

    Golaha Shacabka oo akhrintii koowaad mariyey hindise sharciyeedka mamnuucidda gudniinka gabdhaha

    17 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Masar oo isu diyaarinaysa inay difaacdo Sacuudiga, Sisi oo Baarlamaanka…
    • Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgal culus oo ka dhan ah ciidamada Laftagareen
    • Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Marka
    • Golaha Shacabka oo akhrintii koowaad mariyey hindise sharciyeedka mamnuucidda gudniinka gabdhaha
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya u horseedayo xaalad…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d