Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo shaaciyay xaalad culus oo ka taagan Koonfur Galbeed
    LATEST NEWS

    Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo shaaciyay xaalad culus oo ka taagan Koonfur Galbeed

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor11 April 2026Updated:11 April 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa si kulul u dhaliilay waxa uu ku tilmaamay faragelin toos ah oo ay Dowladda Federaalka ku hayso arrimaha gudaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Mursal ku sheegay in hoggaanka ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed uu wajahayo kalsooni darro sii kordheysa, isla markaana aanu si dhab ah u metelin rabitaanka shacabka deegaannadaas.

    Wuxuu tusaale u soo qaatay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, taas oo lagu magacaabay Guddiga Farsamada ee wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Mursal ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujinaysa faragelin lagu hayo maamulkaas.

    Sidoo kale, wuxuu sheegay in go’aamada noocan ah ay muujinayaan in talada iyo masiirka Koonfur Galbeed aan lagu aamini karin hoggaanka hadda jira, taasoo uu ku tilmaamay arrin halis gelin karta jiritaanka nidaamka federaalka ee dalka.

    Hassan Sheikh Mohamud ayuu sidoo kale ku eedeeyay in duullaankii uu hoggaaminayay uu lahaa ujeeddooyin siyaasadeed oo horseedi kara kala-qaybsanaan iyo wiiqidda midnimada Koonfur Galbeed, halkii laga xoojin lahaa xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

    Dhanka kale, Mursal ayaa dhaliilay siyaasiyiin uu sheegay inay hormuud ka ahaayeen arrimaha ka socda Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu ku eedeeyay inaysan lahayn qorshe cad oo u adeegaya danaha shacabka, balse ay ku mashquulsan yihiin abaabulka doorasho qof iyo cod ah.

    Ugu dambeyn, Maxamed Mursal ayaa ka digay in faragelinta joogtada ah ee Dowladda Federaalka ay wiiqayso jiritaanka Dowlad-Goboleedyada iyo nidaamka federaalka guud ahaan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tallaabooyinka noocan ah, loona laabto hannaan ku dhisan sharci, wada-tashi dhab ah, iyo ixtiraamka rabitaanka shacabka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda Uganda oo ku hanjabtay inay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya
    Next Article Wadahadalladii Maraykanka iyo Iiraan oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    By Banaadir247 November 20260

    Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde
    • Villa Somalia oo wajahaysa go’doon diblomaasiyadeed? Mucaaradka oo tallaabo culus qaaday

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d