Sacuudiga oo helay agab qadiimi ah oo ay ku qoranyihiin magaca Cumar Bin Khadaab

Hay’adda Dhaxalka ee Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in la helay dhagax qoraal ah oo lagu xardhay magaca Khaliifkii labaad ee Islaamka, Cumar bin Al-Khattab, intii lagu guda jiray baaritaanno qadiimi ah oo laga sameeyay gobolka Madiina. Hay’addu waxay sheegtay in helitaankan uu yahay mid si weyn ugu biiraya diiwaanka sii kordhaya ee dhaxalka Islaamiga ee hore ee Boqortooyada.
Hay’addu waxay Talaadadii sheegtay in dhagax-qoraalkan uu ka mid ahaa 1,774 waxyaabo qadiimi ah hadii ah kuwaas oo laga helay wajiga koowaad iyo labaad ee mashruuc ballaaran oo sahamin ah oo laga sameeyay degmada Al-Mahd.
Xogta ay bixisay Hay’addu ayaa tilmaamtay in kooxaha sahanka ay diiwaan geliyeen 173 goobood oo qadiimi ah oo aan hore loo aqoon, taas oo muujinaysa “taariikh hodan ah oo kala duwan” oo uu leeyahay gobolka.
Waxyaabaha la helay waxaa ka mid ah 173 dhagax-qoraal oo lagu xusay magaca Cumar bin Al-Khattab, oo ahaa Khaliifkii labaad ee Islaamka, iyo sidoo kale gabayo Carabi ah oo qadiimi ah oo dhagax lagu qoray.
Sida ku cad xogta Hay’adda, guud ahaan helitaannada waxay ka kooban yihiin 1,259 sawirro dhagax lagu xardhay, 461 qoraal Islaami ah, 34 qoraal oo ku qoran luqadda Thamudiga, 11 dhismayaal dhagax ah, 3 daarood iyo dhismayaal qadiimi ah, 2 calaamado waddooyin ganacsi ah, iyo 4 ceelal biyood.
Cumar bin Al-Khattab oo ahaa saaxiibkii Nabi Maxamed (NNKH) iyo Khaliifkii labaad ee Islaamka, wuxuu hoggaaminayay bulshada Muslimiinta intii u dhaxaysay 634 ilaa 644 CE, isagoo door weyn ka qaatay fiditaanka hore ee dowladdii Islaamka.









