Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa isku raacay in si degdeg ah loo dhaqaajiyo heshiiska difaaca Makkah, iyadoo ciidamo iyo awood ciidan loo diyaarinayo in loo diro Sacuudiga.
Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan degdeg ah oo Isniintii ka dhacay magaalada Riyadh, kaas oo ay yeesheen guddiyada siyaasadda iyo difaaca ee saddexda dal.
Tallaabadan ayaa timid xilli Xuutiyiinta Yemen ay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga, taas oo sare u qaaday xiisadda gobolka.
Dhinaca kale, dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero ayaa waddo guluf militari oo ay ku doonayso inay dib uga riixdo Xuutiyiinta deegaano ay horey ula wareegeen.
Heshiiska difaaca Makkah, oo ay saddexda dal kala saxiixdeen 7-dii Agoosto, ayaa dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalka heshiiska ku jira loo arki karo weerar lagu qaaday dhammaantood.
Dhaqangelinta heshiiskan ayaa imaanaysa xilli xiisadaha militari ee Yemen iyo guud ahaan gobolka ay sii kordhayaan, iyadoo Sacuudigu uu isku dayayo inuu xoojiyo difaaciisa iyo iskaashiga militari ee uu la leeyahay Turkiga iyo Pakistan.
