Mu’addinkii Masjidka Al-Xaram Sheekh Ibraahim Al-Madani oo geeriyooday

Waxaa maanta geeriyooday Sheekh Ibraahim bin Caadil Al-Madani, oo ka mid ahaa mu’addiniinta Masjidka Al-Xaram ee magaalada Makkah, kaddib xanuun uu muddo la tacaalayay.
Sheekh Ibraahim Al-Madani ayaa ka mid ahaa mu’addiniinta rasmiga ah ee Masjidka Al-Xaram, waxaana lagu yaqaanay codkiisa iyo Aadaanka uu ka qaadi jiray Makbariyadda Xaramka, gaar ahaan salaadda Fajrka.
Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay gudaha Sacuudiga iyo guud ahaan bulshada Muslimiinta, iyadoo dad badan ay baraha bulshada kaga tacsiyeynayaan geerida Sheekh Ibraahim, iyagoo Alle uga baryaya naxariis iyo Janno.
Ilaa hadda, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan nooca xanuunka sababay geeridiisa lama shaacin.
إنا لله وإنا إليه راجعون
Alle ha u naxariisto Sheekh Ibraahim Al-Madani, hoygiisana ha ka dhigo Jannatul Firdowsa. Qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Islaamka ahna samir iyo iimaan haka siiyo.









