LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
66 sano kadib: Dowladda oo bogaadisay doorka Ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidanka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.










