DUNIDA

Israa’iil oo dad ku dhow 300 ku dishay Lubnaan

Duqeymo culus oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa si lama filaan ah ugu dhacay goobo ganacsi iyo deegaano dadku aad u degan yihiin oo ku yaalla bartamaha magaalada Beirut, kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca in ka badan 1,000 kale, saacado yar kadib markii lagu dhawaaqay xabbad-joojin la xiriirta dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Hay’adda Difaaca Rayidka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 254 qof ay ku dhinteen halka 1,165 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii dhacay maalintii Arbacada.

Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Rakan Nassereddine, ayaa sheegay in dalka uu wajahayo “xaalad aad u khatar badan oo sii kordheysa” kadib markii Israa’iil ay fulisay in ka badan 100 duqeyn oo cirka ah oo ku kala dhacay qaybo badan oo dalka ka mid ah.

“Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa weli daadgureynaya dadka waxyeelladu gaartay, waxaana ugu baaqeynaa hay’adaha caalamiga ah inay taageeraan waaxda caafimaadka ee Lubnaan,” ayuu yiri wasiirku isagoo la hadlay warbaahinta Al Jazeera.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkii ugu ballaarnaa ee isku dubbaridan tan iyo markii ay bilaabeen howlgal militari oo cusub 2-dii Maarso. Duqeymaha ayaa lagu beegsaday caasimadda Beirut, dooxada Bekaa iyo koonfurta Lubnaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in weerarradu ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen kaabayaal ay leedahay ururka Xisbullah.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay “weerar lama filaan ah ku qaadeen boqolaal dagaalyahanno ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa xarumo talis oo ku kala yaalla Lubnaan,” iyagoo ku tilmaamay “dharbaaxadii ugu xoogga badneyd ee ururkaasi la kulmo tan iyo howlgal la mid ah oo hore loo fuliyay.”

Dhanka kale, Israa’iil ayaa sheegtay in inta badan goobaha la duqeeyay ay ku yaalleen gudaha deegaanada rayidka, balse ay qaadeen “tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada gaarta dadka aan ku lugta lahayn dagaalka.”

Goob joogayaal ayaa sheegay in daruuro qiiq ah ay cirka isku shareereen magaalada Beirut iyo nawaaxigeeda, iyadoo dad badan oo argagaxsan ay ku carareen waddooyinka.

Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa sheegtay inay howlgelisay in ka badan 100 ambalaas si ay uga jawaabaan weerarrada, halka kooxaheedu ay si joogto ah ugu howlan yihiin daadgureynta dhaawacyada iyo gaarsiintooda isbitaallada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *