LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Ciidamadii LaftaGareen oo Ka Horyimid Qorshaha Dowladda Federaalka

Warar laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, oo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Lafta-Gareen, ay diideen inay ku biiraan hannaan ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya oo ka socda magaalada Baydhabo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meelo kala duwan oo ku yaalla duleedka magaalada, waxaana kamid ah deegaanka Awdiinle, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin iyagoo aan u hoggaansamin baaqyada uga imaanaya dowladda dhexe.

Dadaallo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku doonayay in ciidamadan oo gaaraya boqolaal askari kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid dagaal lagu soo geliyo gudaha Baydhabo islamarkaana loogu biiriiyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ilaa iyo hadda fashilmay, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida geeddi socodka siyaasadeed ee ka socda gobolka.

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka digaya in joogitaanka ciidamadan ee bannaanka magaalada ay keeni karto khatar amni, isla markaana ay carqaladeyn karto qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo ay dowladda federaalka hormuud ka tahay.

Qorshahan doorasho ayaa waxaa si weyn u diidan qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo mucaaradka, kuwaas oo ku eedeynaya madaxweynaha inuu doonayo inuu doorashada u maamulo si waafaqsan danihiisa gaarka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *